Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweyne Yuusuf Oo Gaaray Nairobi Kulamana la Yeeshay Madaxwynaha Kenya Iyo Dipolomaasiyiin

Saturday - December 20, 2008

Nairobi: Wararka naga soo gaaraya halkaa iyo Nairobi ayaa sheegaya in madaxweynihii Soomaaliya  Cabdulaahi Yuusuf u gaaray magalada Nairobi, dabadeedna la kulmay madaxweynihii kenya Mr. Kebaki oo la sheegay iney muddo halkaas ku wada hadlayeen

Warku waxuu intaa ku daraya in Mr. Kebaaki u ka bixiyey raalin galin warkii ka soo yeeray wasiirkiisa arimaha dibada oo sheegay in Cabdulaahi xayiraad lagu soo rogidoono haddi u ka horyimaado heshiiska nabadgalyada.

Waxaa kalo warku intaa sii raacinaya in labada madaxweyne ay wada daawadeen cajalad la sheegay in laga soo duubay xarunta ADC baydhabo ee ay ku shirayeen xildhibaanada Baarlamaanka oo halkaas ay ka muuqato dhacdo buuq iyo isdhex yaac.