Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Aabe Masaari Ah Oo Gabadhiisa Siiyey Wariyihii Kabihiisa Ku Halgaaday Bush

Saturday - December 20, 2008

Qaahira- Aabe u dhashay Dalka Masar ayaa Gabadhiisa U Dhalay u Hibeeyay Wariyihii Madaxweyne Bush Kabaha Ku Halgaaday.
 
 Aabahan oo lagu magacaabo Sa'ad Gumaa ayaa sheegay ka-hor inta uusan gaarin go'aankan inuu la tashtay gabadhiisa isla-markaana ay ka aqbashay codsiga aabaheed ee ahaa inay marwo u noqoto,weriyihii geesiga ahaa ee kabeeyay Mr-Bush,xiiligii uu booqashada ku-joogay dalka Ciraaq.

Ninkan oo degan magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa xusay inuu khadka teleefoonka kula-xiriiray qoyska weriyaha,kadibna ku-war-geliyay inuu gabadhiisa u hibeeyay,wuxuuna sheegay in si xush-mad-leh looga gudoomay gabadha,inkastoo weriyihii loo hibeeyay gabadhan Reer Masar uu xabsi dhex-jiifo.