Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Madaxweyne Yuusuf Oo Ka Digay Bixitaanka Ciidamada Itoobiya

Monday - December 22, 2008

Nairobo- Doxa: Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay bixitaanka ciidamada dawladda Itoobiya, wuxuuna ka hadlay hadii ay baxaan ciidamada Itoobiya waxyaabaha ka dhalan kara.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay Soomaaliya la wareegayaan Kooxaha hubeysan ee mudada kula dagaalamayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya gudaha dalka, hadii ay baxaan ciidamada dawladda Itoobiya.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in ay bixitaanka ciidamadu suuragalinayaan in Kooxda Al- Shabaab ay la wareegto guud ahaan dalka Soomaaliya, isagoo qirey in gobalada koonfureed badankooda ay hada gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Ururka Al- Shabaab.

Yuusuf wuxuu ka digey in talaabadaasi lugu dhaqaaqo, wuxuuna sheegay in aysan habooneyn in talaabadaas ay xiligan qaado dawladda Itoobiya, maadaama lugu jiro xili xasaasi ah loona baahan yahay in la dhowro ciidamada Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ka imaanaya.