Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Al-Shabaab Oo Uga Digay Maxkamadaha Goobaha Ay la wareegeen

Saturday - January 3, 2009

Muqdisho- Wararka iyo warbixinada ka soo baxaya hogaamiyaasha al-shabaab ayaa tilmaamaya in kooxaha al-shaabaab ay digniin culus u direen talaabada ay qaadeen kooxaha maxakiimta shariifka.

Warku waxuu intaa raacinaya in labada dhinac ay qarka u saaran yihiin inay foodda is daraan, markii ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka ay saldhigyo ciidan ka sameysteen qaar ka mid ah saldhigyada Booliska.

Sida la sheegay Saldhigyada booliska ee Howlwadaag, Hodan iyo kan degmada Hurwaa ayey ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka fariisimo ka dhigteen, waxaana taasi ay abuurtay jawi dagaal.