Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Rati La Tukanaya Ninka Iska Leh Waa Mucjiso Indhaha Caalamka Soo Jidatay Oo Ka Dhacday Sacuudiga

Sunday - January 4, 2009

Boqortooyada Sacuudiga: Nin la yidhaahdo Abuu C/laahi oo u dhashay Waddanka Sacuudiga ayaa saxaafadda u sheegay in Ratigiisa uu ku arkay Calaamado uu aad ula yaabay, Arrintaani oo uu il gaar ah ku hayay in badan Abuu Cabdullaahi ayuu ugu Dambeyntii go'aansaday in uu soo bandhigo waxuuna Yiri: 
"Xilliga aan safarka ahay oo Salaadda waqtigeeda la soo gaaro ee aan salaaad galo Ratiguna dhaqaaq ayuu sameeyaa ,Isagoo markaan Sujuudana ila sujuuda, Waxana aan aad ula yaabaa Dhawaq la maqli karayo oo uu bixiyo Inta aan Aqrinayo Salaadda Qiraa'adeeda'' Ayuu yidhi Abuu Cabdullaahi oo ah Ninka iska leh Ratigani Cajiibka ah.
"Xitaa hadii aan guriga aan joogin oo aan la joogin ee waqtiga Salaadda la gaaro wuu Tukanayaa". Ayuu yiri Abuu C/llaahi.