Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ciidamada Lugta Ee Israil Oo Maalinti Tobnaad Gaza Xasuuqaya

Monday - January 5, 2009

Gaza Jan 6,2008 Ciidamada lugta ee yuhuuda waxay si arxandaro ah ug weliu garaacayaan magaalada GAZA nadaafiicda Culus ee Goobta, sida wararka soo dhacaya sheegayaan dagaalka qaybtiisa ugu weyni waxuu ka soconayaa Woqooyiga Magaalada Gaza oo ah goobaha dadka rayidku ku badanyihiin, Weerarada dhulka ee Ciidamada Yuhuudu waxay u adeegsanaayan Madfiicda culus ee fogaanta dheer ee loo yaqaan M777 oo culayskiisu 40% ka badanyahay saadkiisa waxaana lagu qaada gadiid u gaara iyo Diyaaradaha nooca loo yaqaan Chinook ee Qumaatiga u kaca.

Madfaca M777 wuxuu bila hagid garaaci karaa 24.7km hadii la hagana wuxuu garaaci karaa fogaanta 30km, mararka qaarkoodna waxaaba loo gami karaa tiirada qaansada iyo tiirada toosan, Madfaca M777 waxaa ka dhaca labo madfac oo kala weyn qiyaasta lagu cabiray burburinta dhufeeysyada iyo saladhigyada Madaafiicda 25Kg-155Kg waxaan rida halkii madfac 9 nin wuxuuna dhulka hoos u gooyn karaa 25metre oo isku wareega ooy fadhiisan karaan 40,000 oo litre oo biyo ah madfacan farsamadiisa waxaa iska leh wadanka Maraykanka.