Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

General Cade Muuse Oo Laga Filayo Inu ka Tanasulo Tartanka Madaxtinimada Puntland

Monday - January 5, 2009

Garoowe:-Madaxwaynaha DGPL General Cade Muuse oo haatan ahaa murashax ka mida ah murashaxiinta maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay inuu wqtiyada so socda ku dhawaaqi- doono tanaasulid uu samaynayo taasoo sida la sheegay ay keentay kal sooni daro kaga timid dhanka shacabka iyo guud ahaan xildhibaanada maamul goboleedka Puntland oo intooda badan aan siinin wax kal sooni ah oo uu ku helo inuu mar labaad ku guulaysto xilka madaxnimada maamul goboleedka Puntland.

Wararka saacadihii ugu dameeyey Ee ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Caasimada PL ah ee Garoowe ayaa soo sheegay in gadiid badan oo kuwa ciidanka ah loo gelbiyey dhinaca Degmada Qardho ee Gobolka karkaar kuwaasi oo la sheegay inuu Cade Muuse meel geystey.