Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Cabdiraxmaan Farole Oo Ku Soo Booday Madaxweynihi P/land Kadib Marku Wareegi Sadexaad Helay 49 Cod

Thursday - January 8, 2009

Garoowe- Sidi ILa Shalay ay Dadka puntland  odorasayeen waxaa goor dhow doorashada xilka Madaxweynenimada Puntland ku guuleystay Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo helay cod gaaraya 49 cod halka General Ilka-jiir u helay cod gaaraya 17 cod.

Iyadoo Wareegi Kowaad la soo maray ayaa Musharaxiinta wareegi Labaad waxuu mid kasta helay codka ku hor qoran:

1- General Cadde Muuse wareegi labaad waxuu Helay 4 cod

2- Cabdiraxmaan Maxamed Faroole isna wareegi labaad waxuu soo gaaray 30 cod.

3- General Cabdulaahi Ilka jiir isaguna waxaa u soo hoyatay 18 cod

4- Nuura-diin Aadan Diiriye oo isagana helay 11 cod

Ugu dambeystiina wareegi Sadaxaad ayaa isu soo haray Mr. Cabdiraxmaan Faroole iyo General Cabdulaahi Ika Jiir oo kala helay Mr. Faroole 49 cod halka ilka jiir u gaaray 17 cod.