Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Kan Baraarujiyihii Maalinta Jimcaha Dr. Shuceyb Iyo Casharka " Haddii Aan Bukoodo Alle Ayaa....

Thursday - January 8, 2009

                                           "Haddii Aan Bukoodo, Allah ayaa ii Daaweyn"

                                            --------------------------------------------------------------------- 

Allah, ayaa mahad oo dhan mudan, waxaan ugu mahadinayaa nimcadiisa iyo naxariista balaaran uu igu maneystay, qofkii Eebo hanuunsho ma baadiyoobo, kii uu baadiyeeyo cid kaloo toosinkarta ma jirto.

Dadku, marka ay midoobaan, ra’yigooda isu geeyaan, wax wada qabsadaan, bay horumar gaaraan, cadowgooda iska caabiyaan, waxana ka dhalata bulsho caafimaad qabta oo hogaan toosan leh.

Aragtidan, umadaha kala duwan ee aduunka ku nool way isku raaceen, soomaalidii hore way ka maahmaaheen sida loogu baahan yahay isku-xirnaanta bulshada, waxa ay oran jireen: 

 “ Far Keli Ah Fool Ma Dhaqdo”

Bulsho wada jirta hadii ay midowdo, oo ay go’aansato in ay fal gasho hubaal waxa ah in ay kordheyso wax qabashada iyo waxsoosaarka ay leedahay, taana waxa saldhig u ah dadka oo qofba meel ku fiican yahay marka ay kartidooda  kala duwan isu geeyaan, hubaal waxa ah in howshooda si wanaagsan u miro bixineyso.

Marka dhibaato balaaran soo gaarto bulsho meel ku wada nool, dhibkana wada saameeyo dadka iyo dalka oo dhan sida mida ku habsatay Soomaaliya waxa korodha baahida bulshadu u qabto in ay is kaashato.

Nasiib daro waxa ah in weli dadka intiisa badan aysan garan in dhib oo dhan nooga yimi qabyaalada quruntay, sababna u aheyd burburka dalkii hooyo ku dhacay, isla markaana la daba taagan yahay oo laga hebeysto kuwo ku fashilay naftooda in ay wax u qabtaan, bal iska daa dad kale in ay wax taraan ama ay badbaadshaan.

Tiro yar oo Allah u naxariistay baa la oran karaa waa ka duwan yihiin soomaalida intooda badan, midaana waxa ay dhalisay iska hor imaad badan iyo loolan loo looltamo cidii sutida u qaban laheyd maamulka iyo danaha baadiyoobay ee bulshada soomaaliyeed.

Arintan waxa si gaar ah uga fa’iideystay xoogaga kasoo horjeeda in Soomaaliya ay ka dhalato nabad, xasilooni, iyo in la helo deris wanaagii horay uga jiray dalkeena hooyo.

Soomaalida, waxa caado u noqotay, markii kooxi meel isugu timaado, in ay goobaan cidii lagu eedeyn lahaa dhibkii nagu dhacay cidii ka dambeysay ama sabab u aheyd. 

Waxa la iska indhatiraa runta sida ay tahay, waxa laga caajisaa in laga doodo sidii wax loo hagaajin laha ama looga hortegi lahaa shirqoolada dalka gudihiisa ka dhaca, ama la isaga caabin lahaa xoogaga kasoo horjeeda in dalka Soomaaliya ka dhalato dowlad u adeegta umada oo dhan, ku dhaqda bulshada cadaalad iyo sinaan, iyada oo aan cidna la dulmin ama la quursan.

Sida qura ee midaa lagu gaari karo waxa ay tahay in lagu maamulo bulshada xukunka Allah u dooray in adoomadiisa lagu dhaqo.  Hadii laga fogaado Allah, waxa dhab ah inaan la gaareyn cadaalada aan u baahanahay si loo helo xasiloonida saldhiga u ah bulsho caafimaad qabta.

Waxa la hubaa, marka qofku ka fogaado Allah oo uu gooyo xiriirka uu la

leeyahay inuu gabayo in uu hagaajiyo ama toosiyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadka kale ee uu la nool yahay, si kasta uu u doono ama isugu dayo inuu toosiyo.

Su’aal u baahan in la is weydiiyo waxa weeye, maxaa lagu qiyaasi karaa kuwa aan dooneyno inaan ku aamino maamulka danaheena guud, ama rabno iney na hogaamiyaan?

Sidee loo heli karaa qaranimo, kalsooni, nabad, madaxbanaani, midnimada diinta, siyaasada, iyo dhaqaalaha?

Sidee loo soo celin karaa, sharaftii iyo magacii Soomaaliya ay laheyd, gaar ahaan mida qofka soomaaliga ah ee maanta meeshii uu tago ama joogo loo arko dambiile, isaga oo aan wax geysan, dhiigiisana uu ka raqiisan yahay koob biyo ah?

Howl la’aan miyaa la heli karaa, ama la gaari karaa waxa aan rajeyneyno in Allah samada nooga soo rido, kadibna aan hantino qaran isku hagaagsan?

Jawaabtu way fududahay hadii aan la iska indha tireyn, qofka aan dooneyno inuu na hogaansho waa in aan ku qiyaasno sidii Allah noogu sheegay Qur’aaka Kariimka ah, midaa oo ah cabsida Allah, sida ayadan noo tilmaameyso:

“Lebiska Cabsida Allah baa Kheyr Badan.”

 Aayad kale Allah wuxuu ku yiri:

“Allah ma gaareyso hilibkooda ama dhiigooda, ee waxa

gaareysa cabsidiina”

Sidaa darted waxa loo baahan yahay in aan ku qiimeyno cidii aan dooneyno inuu na hogaamiyo ama loo dhiibo hogaanka dalkeena, iyo maamulka arimaheena waa inuu noqdo mid ay ku dhantahay ama lagu yaqaan cabsida Allah, qaranka iyo bulshadana aan horay dembi uga gelin.

Sida Allah noogu tilmaamay Qur’aanka ayad kale:

“Waxa idiinku karaama badan Allah agtiisa, midka idiinku Allah cabsi badan”

Waxa cad, sida keli ah ee lagu gaari karo karaamo iyo sharaf oo dhan iney tahay Allah oo loo hogaansamo iyo sharcigiisa oo la dhowro. 

Aayadaha Qur’aanka, waxa ay dhaqaajiyaan buuraha, waxa ay qanciyaan qofkii caqli leh oo Eebe garasho siiyay, maxaa yeelay midka aan aqoonsan jiritaanka iyo awooda Allah iyo xisaabta maalinta aakhiro ee sugeysa oo loo bahaan yahay in dugaal laga sameysto, kama duwana xoolaha, bal xoolaha ayaa anfac badan.

Burburka ku dhacay Soomaaliya, wuxuu keenay ama u googol xaaray, in la waayo daryeelkii caafimaad ee umada ay ka heli jirtay dowladii dalka ka jirtay, iyo cawimaadii kale ee ay u fidin jireen ururada samafalka ah ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, dhanka dhaqaale iyo midka farsamada.

Waxaa soo kordhay, dhibaatadii u gogol xaartay, in maamulka caafimaadka dalka ay ka mas’uul noqdaan, kaadir aan aqoon u laheyn caafimaadka iyo howlaha la xiriira, aqoon yahanadii ama takhaatiirtii dalku uu lahaa marka ay haajireen, midaa oo ay sabab u aheyd:

Noloshii oo adkaatay, kadib markii wixii asaasiga u ahaa nolol casri ah ay meesha ka baxday, wax dayac tir la’aan la kharaabay, iyo wax Burcadii dalka ka kacday ay biliqeysteen. 

2. Dilkii Takhaatiirta oo badatay, iyada oo wax sabab ah oo loo saari karo aysan jirin.

3. Nabad gelyadii guud oo xumaatay, dhacii iyo boobkii oo batay, sidoo kale qalabkii dadweynaha lagu maamulayay caafimaadkooda oo gacanta u galay dad aan aqoon u laheyn.