Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Siyaasadii Iyo Colaadihi Ka Oognaa Soomaaliya Ayaa Laba Kacleeyey Lana Soo Baxay Wajiyo Cusub

Friday - January 9, 2009

Aduunyada war-baa jira iyo Weerar joogta ah ee Weheshada ILaahay...... Siyaasadii iyo Colaadihii ka Oognaa dalka Soomalia ayaa laba kacleeyey lana soo baxay wajiyo cusub, waxa la Isu-adeegsanayaa waxba waxa uu ka khatar sanyahay sida Ciidamo shisheeye,dagaal Oogeyaal,Ururo sita magac Diimeed, Dawlad magac u yaal ah oo aan meelna ka shaqayn, waxa si toosa u soo shaac baxay wajiyada cusub ee la doonaayo in lagu sii wado dagaalada ka holcaaya Somalia.

Ethiopia iyo Maraykanka oo Qoomameeyey Qorshihii hore ee ay dagaalka Ku galeen ayaa iminka fahmay in Qaabka ugu haboon uguna kharashka yar ee dagaalka Somalia uu ku sii socon karo, kaas oo ah in Soomaalida iyaga la iska-horkeeno hubkana la isugu dhiibo, iyadoo loo qaybinaayo Ururo Diimeed iyo Qabaail ama Beelo Is-huwan.

Inta la ogyahay iminka waxa is horfadhiya oo Miciyaha Isu-lisanaaya Maxkamadiihii oo u kala socda laba qaybood..... kooxda Shariif-ka ee Jabouti ka soo ruqaan-satay.....kooxda Asmra oo uu hogaaminaayo Wadaadka hegan-dirirka ah ee Dahir Aweys.... Ahlu-suna-waljamaaca oo bisinka iyo burdaha ku manaafacsada Hub casri ahna ku dagaalamaaya dharbaaxooyin kulul-na ku soo dhuftay kooxda xujada noqotay Al-shabaab...... dagaal Oogayaashii hore oo iminka gashaday Toob gaaban oo Cimaamad huwan Tusbax dheerna ku wardiyaaya  ....Nuur- xabash qor u dhiibte  iyo kooxdiisii la safatay oo Cabdillahi Yussuf Cirka-ku-dubatay....Gob laciifta waa la arki jiray,gunse waa liide..... falfalxume Al-shabaab...kooxda Raaskambooni ee uu hogaaminaayo Gar-maqaate Xassan-Turki.... Mooryaan iyo Ganacsato hubaysn. 

Raqda waxa dul hoganaaya Rag aan nixin oo doonaaya in Miciyaha ay dhiigeeyaan, Maraykanka iyo Ethiopia oo Qorshahan dagaal ee cusub dabada ka riixaaya ayaa bilaabay in Kooxda ah ee Al-shabaab ay xiddidada u saaraan oo ku soo jeediyaan Somaalida Inteeda kale.... wacyigalin ay jeediyeen Sheikh Shariif iyo Oday dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolada dhexe iyo Muqdishu ayaa Baraarujisay Beel weynta Hawiye iyago leh Cabdillahi Yussuf Afkaan Ciida u darnay, Ethiopia iyana way baxaysaa. Yaa ku xiga............?