Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Indha-Cade " Anaa Taabsaday Xeryaha, Xoogna la Yuurara Ma Aniga Nasab-keyga Gada Oo............."

Tuesday - January 13, 2009

Waxaa hubanti ah oo shaki ku jirin in dalkeena maanta nabadu u roontahay, Nabaduna waxay keentaa dadkoo wada dhaqma oo daris wanaag-yeesha, dakuna waxay hadba u yaacaan kobti ay nabadu ka jirto.

Waa xaqiiqa ah in deganaasho meeshi lehba ay darajo taalo oo taas ayen dadku isku diideyn.......... qofna daqarka gaaray ma rabo inu dib u si raaco oo bani'aadamku waxuu ka dhigta cibaaro kale iyadoo hadba Naas bacdgi Naas ayaa dunida lays badalayey oo dhibku dhacayey, waxaana markasta nabada u aaya ninkii suunka dhexda ugu xirta oo nabad raadinteeda midiidin u noqda. 

Waxba hadalku yuusan ila gudbine dib aan u eegno taariikhda dhacday aan idin darensiiyo in Nilson Mandeela laba mar buu daakhilka xabsiga galay oo mudo doora waa tii u xirnaa diif badana soo maray.

Dacdaro iyo qatooyo waxay daris ahaadaan, aduunyo isbadashay waa kii loo doortay madaxweyne, sidaa darteedna ma dagdagin ciidna kama aarsan siiba kuwi darbeyn jiray ceegadana ku hayayey,sarana uma qaadin dareenkii cuqdada ku duugnaa, waxuuna muujiyey dulqaad iyo samir.