Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Mukhtar Robow Oo Ku Booteeyey Inu AMISON Goonyaha Kaga Ridi-doonan Garneylo Iyo Boobayaal Ololaaya

Wednesday - January 14, 2009

 Mogadisho: Afhayeenka Kooxda dhalinyar diimeedka sheegata ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xeerka ka dhigtay boobaha dhaa-dhaada' leh kana amar qaata  Shiikh Asmaraawi Daahir Aweys ayaa markii u horeysay ka hadlay ka bixitaanka goobo muhiim ah oo ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia, isagoona ku dhawaaqay dagaal cusub oo hada iyo wixii ka bilowda loo wareejinayo Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM.

Roobow Waxuu yiri : Dagaalka joogsan maayo ilaa qiyaamaha ka dhaco dagaalka waxaad maqli jirteen inuu ka dhacaayo goobaha Ethiopianka jooga laakiin maanta wixii ka dambeya waa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4.

Roobow Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in hadii xataa Ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka ay sii wadayaan dagaalka inta ay joogto AMISOM, waxaana uu balan ku galay dagaalkooda ay u sii weecin-doonaan goobaha ay ku sugan tahay Ciidamada AMISOM waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxuu intaa ku daray oo sheegay in haddii Ethiopianka baneeyeen fariisimahoodii, dagaalka waxaan hadana u wareejineynaa KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha oo AMISOM ay joogto"ayuu yiri Abuu Mansuur oo u jeediyay Ciidamada AMISOM inayba hada iska baxeen, hadii kale dagaalka lagu wadi-doono ilaa dalka ay uga baxayaan.

Isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho ayuu Wariyeyaasha toos shir jaraa'id ugu qabtay waxaana uu sheegay inuu soo dhoweeynayo dhaq dhaqaaqyada ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia oo ay ku faaruqiyeen dhowr fariisimo oo ay Muqdisho ku lahaayeen, isagoona hoosta ka xariiqay in bixitaankooda ay ku lug leedahay qeyb ka mid ah halgankoodii sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay xabada ku wadayaan ilaa ay ka towbad keenayaan, isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay kooxaha sii qabsanaya meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia.

"Ethiopia dalka kama baxeysa waxay joogi doonaan Bay, Bakool iyo Gedo wax kale maaha waxaa laga yaabaa xataa Afgooye inay noo fadhiistaan marka xoog bay ku baxeen ee kuma bixin heshiis beenaale ah waana mid lagu qarinaayo jabkooda"ayuu mar kale sii raaciyay Abuu Mansuur

Wadaadka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dagaalkii dhowaan Xoogaga Alshabaab ay kula galeen Degmada Guriceel Maleeshiyaad daacad u ah Ururka Ahlu Sunah, isagoona dagaalkaas ku tilmaamay mid u dhaxeeyay iyaga iyo Kooxo ay Ethiopia soo hubeysay.