Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Cabdiraxman farole Oo Soo Dhisay Golihi Wasaaradisa Iyo Mr.ILka-Jiir Oo La Siiyey A. Gudaha Si......

Sunday - January 18, 2009

Garoowe: Madaxweynaha DGP Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa uu caawa ku dhawaaqay magacyada xubnaha Golahiisa wasiirada, Madaxweynaha oo magacaabay 17 iyo ku xigeenadooda waxaa ka muuqata in ragi la tartamaayey u kala siiyey wasiiro taaso la dhihikaro waa caqli-gal, hasa ahaate meesha kama marna in Cabdiraxmaan doonayo inu ragaas si asluubeysan uga dilidinleeyo saaxada siyaasada oo ay ku wasakhoobaan maamulkaan ku dhisan falsafad qabyaaladeed, garas-maroojin iyo jajuub ee aan wax shari ah lahayn.

Mr. Ilka-jiir Oo qaatay jagadaas arimaha gudaha waxay soo afjaridoontaa ididiladiisi mustaqbalka u qabay ee ahayd inu markale u tartamo jagada madaxtinimada puntland, waayo wasaaradaas is maandhaafkeeda ayaa badan oo badanaa waxaa dhacdaa in wasiirka Amniga ay iska horyimaadaan iyo madaxweynaha lafahaantiisa. 

Liiska Golaha Wasiirada ee uu magacaabay madaxweynaha DGPL Dr.Faroole

Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta

Wasiirka Cabdirisaaq Yasin Cabdulle Geesood
Wasiir kuxigeenka .. Maxamuud Siciid Hussein

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

Wasiirka Cabdullahi Ahmed Jaamac
Wasiir kuxigeenka 1aad .. Yusuf Ahmed Khayr
Wasiir kuxigeenka 2aad .. Cali Yusuf Cali Xoosh