Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

jago Banaan.... Jagada Madaxweynanimada Oo Ka Banaan Soomaaliya

Sunday - January 18, 2009

ku: Dhamaan warbaahinta xorta ah.
Ku. Dhamaan Ummada Soomaliyeed.

Ujeeddo: Jago Madaxweyninimo Banaan.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaa lala socodsiinaayaa in ay Soomaliya ka banaan tahay jago amase shaqo muhiim ah, taas oo ah QOF MADAXWEYNE U NOQDA SOOMALIYA.

SHAHAADOOYINKA LGA DOONAYO :-
Shaqsiga soo doonaya shaqadan waa in uu haystaa shahaadoonkan amase uu aqoon fiican u leeyahay:-
• Maxaakiimta
• Ahlu-suna wa jamaaca.
• Al-shabaab.
• Mujaahidinta
• Dagaalka sokeeye.
Waa in uu aqoon dheeraad ah u leeyahay burburinta wixii ka haray Soomaaliya,xataa hadii ay QABUURAHA tahay........awoodna u leh abaabulka ciidan diimeed iyo kicinta qabaailka uu ka soo jeedo, waana inu CIMAAMAD MADAXA KU DHUUBANKARO, ISLA MARKAANA WAA INU QAMIIS WATA , HADDI KALE SARWAALKIISU WAA INUSAN DABAGAABNA AHAYN SURWAALNA LAGU SHEEGIKARIN.

SHAQADA UU QAABANAYO.
Waa in uu soo dhisaa dowlad sal-balaaran....Dowlad loo wada dhan yahay....Dowlad ay iska wada dhex arkaan dhamaanba kooxaha Diimeed ee ka jira dalka....waan in dowladaasi ay tixgalisa raalina gelisaa dowlado qarsoon....waa in ay u hanjabtaa Dowladaha deriska ah iyo kuwa fogfogba....waa in dowlada uu soo dhisaayo ay ahaadaan kuwa dhagaha u daloolin oo aar-doon ah. 
Dowlada la soo dhisaayo waa in waxqabadkeeda ay ka bilowdaa, joojinta QAADKA, CABIDA SIGAARKA, DAAWASHADA FILIMADA, DHEGAYSIGA HEESAHA IYO DUMINTA QABUURAHII MUDADA DEER LA SIYAARAN JIRAY IYO WELIBA JOOJINTA SIYAARADA.

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO:- 
 .Waa in dadiisu aanay ka yaraan 46 sano.
• Waa in uu Diinta wax yar ka yaqaanaa laakiin iska-digikara wadaad CAALIM AH, si dhaqso ahna isugu diri karaa qabaailka Somaliyeed....dagaalna ka dhex ridi karaa saacado gudahood amase markasta oo loo baahdo,isagoo adeegsanaya hab Qabaail.
• Waa in uu yahay nin xilka u haraadsan aad iyo aadna u jecel yahay in uu mar uun xilkaa qabto.
• Waa in magaciisa ay ku jiraan erayada ay ka mid yihiin:

.Shiikh.
• SHARIIF
• ABUU AMA IBN
• Waa inu Gar weyn leeyahay,Shaarubuhuna u gaaban yihiin.
• Waa in uu ka soo shaqeeyey mid ka mid XARAKADA Diimeed ee ka jira dalka Soomaliya.
• Waa in uu sanadihii la soo dhaafay XARAKADAHAAS ,xilal kala duwana ka soo qabtay sida Al-shabaab-Maxaakiimta-Ahlu –Suna wa Jamaaca,guulo la taaban karana ka soo hooyey.