Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Ururka Xamaas Oo Shaaca ka Qaaday In Israiil Ay Ku Guuldareysatay Dagaalkii Gaza Ay Ku Soo Qaaday

Monday - January 19, 2009

Gaza :- Ururka Xamaas ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda Israiil ay ku guul-darreysatay dagaalkii ay ku soo qaaday Magaaladda Gazza. Iyadoo halkaasiina kala kulantey wax aysan filaneyniin.

Sarkaal sare oo u hadlay Ururka Xamas ayaa sheegay in xukuumadda Israiil ay shacab aan dagaal kula jirin ee degan magaaladda Gaza xasuuq aan loo meel-dayin kula kuftay.

" Waxay guul u aragtaa leynta iyo xasuuqa loo geysto haweenka, Carruurta, waayeelka iyo cid kasta oo aan colaad ku lug lahayn ayuu yiri'' sarkaalkan u hadley Ururka Xamaas.