Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

FBI-da Oo Ka Hadashay Is-Qarxinti Axmed Shrwac Oo Deganaa Magalada Menneopolis Ee Mareykanka

Tuesday - January 20, 2009

Los Angeles : Hay'adda Maraykanka u qaabilsan Sirdoonka (FBI), ayaa markii u horaysay daboolka ka qaaday in Axmed Shirwac aanu ka mid ahayn kooxihii argagixisada ahaa ee isku qarxiyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa 29 Oktoobar, 2008, balse uu ku jiray raggii isku qarxiyay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo isku saacad dhacay.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ee FBI, ayaa horaantii bishii November ee sannadkii 2008,  ka qaaday goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen lafaha ka haray dadkii is qarxiyay, waxaana baaritaan ay hay'addu marisay hidda sidaha loo yaqaan DNA-da ay ku xaqiijisay in raggaas is qarxiyay uu ku jiray Axmed Shirwac oo ahaa muwaadin Maraykana ah, waxaana markii ay FBI-du  baaritaanka ka dhammaysatay lafaha Mr. Shirwac ay u geeyeen qoyskooda, kuwaas oo iyaguna ku aasay xaafadda Burnsville ee magaalada Menneopolis ee gobalka Mennosota ee dalka Maraykanka.

Laakiin hay'adda FIB-du way ka gaabsatay inay caddayso magaalada uu Mr. Shirwac isku qarxiyay [Hargeysa iyo Boosaaso] iyo inuu xiitaa ahaa is qarxiye iyo iinuu ahaa dhibane qaraxa ku geeriyooday, Hase yeeshe jariirada Los Angeles Times ee ka soo baxda magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka ayaa Axadii toddobaadkan baahisay in lafaha Axmed Shirwac oo 27 jir ahaa laga soo qaaday goob magaalada Boosaaso ee Puntland ka tirsan oo uu isku qarxiyay isla maalintii ay qaraxyadii argagixiso ka dhaceen Hargeysa.... "FBI-da ayaa soo qaaday burburka lafihiisa iyo hilbo kale oo laga helay Boosaaso, mid ka mid ah goobaha ay qaraxayadu ka dhaceen." Sidaas waxa jariirada Los Angels Times u sheegay Mr. E K Wilson oo gobolka Minnesota wakiil uga ah hay’adda FBI-da, waxaanu intaas raaciyay, "Baaritaanada DNA-ga ayaa sugay shakhsiyadda Axmed."