Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Sirdoonka Norway Oo Doonaya Iney Xukun Ku Rido Nin Soomaali Ah Oo Xiriir La Yeeshay Fu'aad Shangole

Wednesday - January 21, 2009


Norway-Oslo : Sirdoonka dalka Norway ayaa doonaya in la xukumo mid ka mid ah rag Somali ah oo sano hore guryohooda laga soo xir-xiray, kuwaasoo lagu eedeeyay in ey dhaqaale ku taageeraan kooxda Al-Shabaab oo ey dowladda Norway u aqoonsantahay argagixiso.

Ninkan ey doonayaan sirdoonku in la xukumo ayey sheegeen in ey ku hayaan cadeymo muujinaya in uu u xawilay kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Somaliya ka dagaalanta lacag gaareysa 150.000 oo lacagta norwejiga ah oo qiyaastii dhan lacag ku dhow 30.000 oo dollar.

Lacagtan ayaa waxa lagu aruuriyay qaab urur samafal oo loogu magacdaray Banaadir Walfare Organisation xilligii ey Muqdisho ku dagaalamayeen ciidamada dowladda federalka oo kaashanayay kuwa Itobia iyo kooxaha kasoo horjeeday.

 Sida ay qortay mid ka mid ah wargesyada ugu waaweyn Norwey " Dagbladet" Xukunka la doonayo in lagu qaado ninkan ayaa lala sugaya warbixin laga soo diyaarinayo xaaladda dagaal ee iminka ka taagan Somaliya, taasoo ka turjumi doonta sida laga yeeli doono.

Sirdoonka ayaa dhankooda cuskan doona in ninkan lagu qaado sharci dalka Norway laga soo saaray sanadii 2002 kaasoo la xiriira arimaha argagixisada islamarkaana qofka siin kara ilaa 10-sano oo xabsi ah, hadii lagu qaado.

Ninka la doonayo in la xukumo ayaa lala soo xiray labo kale oo midkood uu haystay baasaboor Swedhish ah, waxaana iminka la hadal hayaa in labadaba la iska fasaxo maadaama cadeymo muuqda lagu waayay.

Muwaadinkan wali lagu dhagan yahay ayaa iska diiday dhamaan eedeymaha kaga yimid xaga sirdoonka, waxaana uu sheegay kal hore in uu taageeray oo kaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta islamarkaana uusan wax taageero ah u fidin kooxda Al-Shabaab.