Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dr.Shuceyb Iyo Braarujintisi Jimcaha Iyo Qybti Labaad Ee "Caafimaad Iyo Cudur" Waa Cashar Cajab Leh

Thursday - January 22, 2009

Qeybtii Labaad:

Sifaha islaamku u dhaliyo bulsho caafimaad lama soo koobi karo, hase yeeshee waxaan tilmaan ka bixinayaa qaar ka mid ah, oo si fudud qof kasta u garan karo, hadii Allah raali ka noqdo.

Nadaafada oo la is amray

Qofka muslimka ah maalin walba marka uu salaada oogayo, waxa uu meyraa jirkiisa inta badan ee sida fudud wasakhdu u gaarto, intaa waxa dheer inuu maalinta Jimcaha jirkiisa oo dhan mayro si uu u guto salaada Jimcaha, sidaa darted ma suurowdo in wax wasakh ah ogadiisu ku harto.

Sidoo kale, qofka muslimka ah mar walba oo uu galo musqusha (Suuliga) si uu u xaajoodo, Kaadida iyo Saxarada si wanaagsan buu isaga meyraa.

Waxa la ogyahay, qofka muslimka ah inuu had iyo jeer ku dadaalo nadaafada Afkiisa, isaga oo cadayda ugu yaraan dhowr jeer maalintii. Sidoo kale, waxuu ka fogaadaa Sigaarka, Khamriga, iyo Qaadka, oo ah kuwa ugu badan ee qurmiya afka iyo uur galka, sidoo kale Qaadku wuxuu si gaar ah u baabi’iyaa quruxda iyo bilicda Ilkaha.

 Waxa la tilmaamay in hilibka Doofaarka la socdaan noole wax u dhima caafimaadka qofka, si kasta oo loo kariyo ama loo shiilo hilibkiisa dabku wax kama taro. Qofka muslimka ah waxa ka xaaraan ah inuu cuno hilibka Doofaarka ama wixii kaloo Doofaar ka yimaada. Sida badan, dalalka aan islaamka aheyn waxa loo isticmaalaa in lagu Qaldo wax badan oo si joogta  ah looga isticmaalo aqalada maalin walba sida cunada qaar ka mid ah, saabuunta iyo dawada lagu nadiifiyo ilkaha.

Xaaraanta oo laga Fogaado

Islaamku, guud ahaan waxa uu xarimay in la cuno wixii jirka iyo caqliga wax u dhimaya sida Hilibka Doofaarka, Khamriga, Qaadka, Sigaarka, Bakhtiga iyo wixii la mid ah ama in la cuno guud ahaan wixii xaaraan kugu soo gala.

Rasuulka suuban (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), wuxuu noo sheegay marka wax la cunayo wixii caloosha lagu rido in loo qeybsho sadex meel.

1) Qeyb wixii cuno adag ah sida: Bariiska, Baastada, Soorta, Muufo, Canjeero, Hilibka xoolaha xalaasha ah, Malay ama Kaluun, Khudrad kala duwan.

2) Qeyb wixii la cabo ama sharaabka kala duwan sida: Caano, Biyo cad, Casiir, Maraq.

3) Qeyb in loo baneeyo in laga neefsado, maxaa yeelay Sambabadu waxa ay u baahan yihiin meel ay ku fidaan, hadii si ba’an aad u dheregto waxa dhib kugu noqota neefsashada caadiga ah.

Nebi Mohamed, nabad iyo naxariis Allah ha siiyo, wuxuu kaloo sheegay muslimiinta in ay yihiin dad aan waxcunin, in ay gaajoodaan mooyee, hadii ay wax cunaana, cunada aan ka dhergin.

Labadaa tusaale, waxaan ka korodsanay, edebta Islaamka marka wax la cunayo sida qeyb weyn ay uga qaadato caafimaadka qofka muslimka ah oo ku dhaqma wixii maslaxo ugu jirto iyo daryeelka naftiisa.

Islaamka kuma dadaalo oo qura caafimaadka Jirka, wuxuu daweeyaa Maskaxda, iyo Caqliga, maxaa yeelay qofka muslimka ah waxuu si toos ah shan goor ugu yaraan maalin walba ula xiriiraa Allah, markuu tukado Salaada la faray, waxa uu aaminaa in wanaag oo dhan gacanta Rabbi ku jirto, wuxuu talo saartaa Allah oo keli ah, waxuu ku dadaalaa wixii raali gelinaya Eebe Weyne, waxuu ka fogaadaa wixii carada Allah u keenaya.

Qofka Allah aamina, oo si dhab ah ugu kalsoonaada, kama boqo inuu waayo wax uu cuno, lebisto, ama meel uu ku hoydo, waxuu ogyahay in Allah oo isaga abuuray uu qeybsho xoolaha, isagana u ballan qaaday nolol wanaagsan hadii uu qaato amarkiisa.

Arimahan oo nolosha aas-aas u ah, qofka aan Imaankiisu xoog badan laheyn marka ay ciriiri galaan inta badana sabab ayey  u noqota, oo waxey ku abuurta welwel iyo walaac, markaana waxay wax u dhinta caafimaadkiisa.

Sidoo kale, marka qofka islaamka ah akhrista Qur’aanka waxa la hubaa inuu dareemayo naxariis xagga Eebe kaga soo degta, maskaxdiisuna ay ku raaxeysato sida aayaadka Qur’aanka ay noo tilmaameen.

“Qur’aanka waxaan kusoo Dejinaa, wax Dawo iyo Naxariis u ah kuwa Allah Rumeeyay”.

“Markaad akhriso Qur’aanka waxaan dhigeynaa dhexdiina, adiga iyo kuwa beeniyay Aakhiro, xijaab idin kala astura.”  

Qof kasta oo inaga mid ah, inta uu ku nool yahay dunida, waxa lasoo gudboon caafimaad ama cudur, hase yeeshee waa la kala badsadaa oo dadku uma sina, caafimaad isku si looma wada heysto, isku sina looma xanuunsado, labaduba waxey ku jiraan gacanta Allah, oo isagaa go’aansha, siduu doono ayuu u qeybshaa. Siduu noo sheegay subane nebi Moxamed, naxariista Allah korkiisa ha ahaato, ma’jiro Cudur aan dawo laheyn, Gabow iyo Geeri mooyee.

Cudurada aduunka ka jira, waxa ay u kala baxaan, kuwo laga bogsado hadii Allah qadaro, iyo kuwo aan laga bogsoon in qofku geeriyoodo mooyee.

Cudurada aan laga bogsoon ma aha ineysan dawo laheyn, ee weli waxaan la helin oo la ogaan wixii lagu daweyn lahaa, waxa dhici karta culimada ugu howl jirta sidii loo heli lahaa dawadooda ineysan weli ku guuleysan. Rajo weyn baa laga qabaa in cudur oo idil loo helo dawo, ama tilaal lagaga hortago mustaqbalka dhow. Waxa jira cuduro fara badan oo horay dawo aan u laheyn, hadana laga hortegi karo marka qofka laga tilaalo.

Caruurta gaar ahaan, cuduro horay u leyn jiray inta aysa gaarin sannadka shanaad, manta marka laga tilaalo way ka badbaadaan intooda badan, kuwaa oo ay ka mid yihiin: Jadeecada, Furuqa (Waa laga cirib tiray aduunka, qofkii ugu dambeeyay oo laga helo Furuq wuxuu ahaa nin Soomaali ah), Xiiq-Dheer, Dabesha, Qanjo-Barar, Teetano, Cagaarshaha la iska qaado, Qaaxada iyo kuwo kale oo fara badan.

Cudurada ka jira aduunka waxey u qeybsamaan guud ahaan sadex qeybood oo mid waliba astaamo u gaar ah oo lagu aqoonsado leh.