Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Masiibada Soomaalida Haysata Waa Jaajuus Jaasuusay Jaasuus kale

Friday - January 23, 2009

Sheekadaan waxay dhex martay madaxii Hay'adii Sirdoonka ee Ruushka iyo Ra'iislwasaarihii ugu danbeeyay ee Midowgii Soofioyeeti ee uu madaxweynaha ka ahaa Gorbajev.

Akhristow sheekadaan hadaad akhrisato waxaad ogaanaysaa meesha ay ka timid mushkilada
Soomaalida, sikastaba yaanan war kugu daaline sheekadaan ho. 

Mr.Betroviski wuxuu ahaa madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da.
Mr.Beroviski isagoo ku jiifa kursi dheer oo ku qoraxaysanaya guryo waaweyn oo loogu tala galay
dadka howlgabka ah ayaa waxaa soo booqday Wasiirkii Koowaad ee dawladiisi ugu danbeysey Dr. Evanovitish.

Labadaas nin waxay soo arkeen waxay tahay  Dowlad, Haybad, Awood, iyo Aduunyoba. Laakiin Mr Betroviski wuxuu afka ka joojin waayey halyeeynimadii iyo howshii wadaniga ahayd ee uu soo
qabtay intuu ahaa Madaxa KGB-da isagoo la yaaban sida uu Midowgii Soofiyeeti hal mar u kala Haaday u kala jabjabay una kala qaybsamay! Isagoo leh "Saaxiib ma ogtahay inaanan qofna ka cafin jirin Dabagalida iyo Tirinta xitaa inta jeer ee uu neefsado maalintii! Kan ugu yar iyo kan ugu weyn ee Dowladaas.
Mr. Beroviski isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri: kama baxsan Dabagalkeyga! Xitaa adigo Saaxiib ah waxaana ku daba soconay muddo sanado ah,laakiin dabagalkaagi wax natiijo ah ma keenin.

Dr. Evanovitish oo isagu ahaa raisal-wasaarihii dawlada waqtigi Sofietka ayaa ka codsaday Saaxibkiis Betroviski inuu si furan ula sheekeysan-doono oo uu u dhaarto si uusan u fashilin waxa uu sheegi doono. Taaso u aqbalay Bertoviski Ex taliyihi KGB-da.

Maalinti labaad ayaa ex Raiisal-wasaare Dr.Evanovitish dib ugu soo noqday saaxiibkiis iyagoo
halkaas si furan isugu sheegay waxwalba.

Ra'iisal Wasaarihii ayaa qirtay in uu Camiil u ahaa CIA-da Mareykanka sanadihii la soo dhaafay oo dhan!....... Qaylo dheer ayaa uu laso Booday Mr.Betroviski oo ahaa ex madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da, oo dhinacii uu fadhiyay Saaxiibkiis usoo jeestay, wajigiisana ay ka
muuqato Layaab iyo Dhakafaar, isagoo leh "Macquul maaha.

Dabadeed Mr. Evanovitsh ex Raisal-wasaare ayaa yiri " Waa tahay Saaxiib Hore, oo waa
runtaa inaad iga shakisay.....Ood i dabagali jirtay... Laakiin Maxaa Sababay Ayaan ku weydiinayaa.... Su'aasha kale sideed iigu ogolaatay inaan qabto jagooyin intaas le'eg oo heerkaas gaarsiisan ilaa aan ka gaaro Ra'iisal Wasaare, hadaadan sida aad sheegayso aadan igu kalsoonaan jirin.

Mr Betroviski oo sidii nin ilkacadeyn is-yasidi ay ku jirto u muuqday wuxuuna yiri "waa sax Saaxiib inaan kaa shakinay oonan ku aaminin, sheekaduna waxay bilaabaty maalin adigoo daawanaya Masraxii "Polilshi" ayaa waxaa noo yimid macluumaad sheegaya in nin ajnabi ah uu ku agfadhiyay,
xiligaasna waxaad ku jirtay da'dii Shabaabka oo waxay ahayd waqti hore. Sidaa darted ayaan maalintaas bilawnay inaan tirino Neefsasahdaada oo aan daba-gal ku samayno dhaq-dhaqaa-qaaga!, kaaga darane waxaan meel walba ood tagto ama degen tahay ku rakibnay Qalabka laysku Dhagaysto! Bal saaxiib malee xitaa Naagtaadii Marxuumada ahayd ee "Falaria" anaga ayay noo shaqeynaysay!....Waxayna noo soo qori jirtay Warbixino Sir ah maalin walba, saas darted ayaan
ku kalsoonayn Ikhlaaska aad u qabtay Dowlada.....Ogowse hadii aan heli lahayn macluumaad kaas ka duwan walee Saaxiib inaanan marnaba kuu naxariisaneen" ayuu Mr.Betroviski madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da uga jawaabay Su;aalihii uu weydiiyay Saaxiibkiis....Laakiin wuxuu isaguna weydiiyay saaxiibkiis sida uu ula xiriiri jiray
CIA-da.