Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Shiikh Shariif Iyo Nuur Cade Oo Ku Qamaamaya Hal Mar Hore La Qashay Raqdeedii

Monday - January 26, 2009

Jabuuti - Isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa Sh. Shariif Sh. Axmed u magacaabay musharoxooda u taagan xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya, Kadib kulan muhiim ah oo ay shalay ku yeesheen dalka Jabuuti xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta ayey iskula afgarteen inay Sh. Shariif u doortaan musharax u tartaramaya xilka madaxweynaha.


Kadib kulanka ayey soo saareen bayaan ay ku cadeynayaan in Sh. Shariif Sh. Axmed yahay mas'uul u qalma xilka madaxweynaha islamarkaana taageero badan ka heysata shacabka Soomaaliyeed, " Waa mas'uul samata bixin kara umadda Soomaaliyeed xiligaan hadda lagu jiro, taas ayaana sababtay inaan u doorano inuu musharax noo noqdo" sidaa waxaa yiri C/raxmaan Ibbi oo ka mid ah isbeheysiga dib u xoreynta Jabuuti.