Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Cabduqaadir Xaaji Masale " Qorshihii Iyo Duulaankii Zanaawi Waxuu Noqday Xuub-Caaro Ee Libinta....."

Wednesday - January 28, 2009

Oslo : As-salamu Caleykum waraxmatullahi.... Ugu horreyntii waxaan salaan kal iyo laab ah u so gudbinayaa ummadda Soomlaaliyeeed meel kasta ay joogaan gudaha dalka iyo qurbahaba anagoo isu rajeyneyna xilliyada soo socda in Ilaahay nooga dhigo kuwa aan ka reysanno dhibaatadii na soo martay, dadkeenuna ay noqdaan kuwa layimaada dadaalkeeda.

Tacsi:

Waxaan isga tacsiyeyneynaa dhamaanteen dadkii nooga geeriyooday dagaaladii is daba jooga ahaa khaastan kii ciidamada Tigreega uu Zanaawi ku naafeeyey dadkeena iyo dalkeenaba.

Annagoo si gaar ah uga tacsiyeyneyna qoysaskii dhimashada iyo dhaawaca iyo hoy burburinta iyo barakaca uu soo gaaray anagoo u rajeyneyna kuwii geeriyooday Ilaahay raxmaddiisa inuu siiyo kuwa dhaawacmayna Ilaahay shaafiyo. Annaga iyo qoysaskii ay geeriyoodeen inuu Ilaahay samir naga wada siiyo.

Duulaankii waalnaa ee Zanaawi:

Soomaaliya iyo Itoobiya, laba dal iyo dadba Ilaaha baa deegaankaas ku abuuray, midkoodna midka kale kama tirtiri karo meesha Ilaahay dhigay. Sidaas waa inay labada dad u ogaadaan uguna dhaqmaan. Sida qawaaniinta dawliga ah iyo deris wanaagu ay doonayaan ugana faaiideysaataan dhan kasta oo noloshooda taabaneysa (dhaaqale, bulsho iyo nabad gelyo).

Hasehatee, Zanaawi arrintaas labada dadba wuu ka marin habaabiyey, asagoo dadka Somaaliyeed colaad iyo uurkutaalo ku beeray dadka Itoobiyana eed iyo colaad u soo hooyay. Waxaan rajeyneyaa in ciidamadiisa uu kala baxay dalka aysan noqon sidii laba sano ka hor uu dhawaaqay mar idaacadahu weydiiyeen goorta ciidamadiisa uu kala baxaayo kuna jawaabay toddobaadyo ka dib.

 Waxaan ka digeynaa tii oo kale inayna noqon garashada iyo caqliga xun kuna beddelo si labada dad iyo dalba dan iyo maslaxad u ah. Waxaan fileynaa inay dhamaatay dowlad ma ay lahee ku bardoodi mireheedii inuu gurtay.

Dardaaran iyo talo soo jeedin ku jeedda dadka Soomaaliyeed.

Somalidu waxay leedahay maahmaah dhaxal gal ah oraneysa “Ayax tag eelna reeb”. Soomaaliyey waxaad ogaataan ujeedadii Zanawi ku soo duulay inaynan sahlaneyn, fikrad maalmo iyo bilo la qorsheeyey ayna ahayn, waa siyaasad qota dheer himilana cuskan. Waxaan qabaa, intii Itoobiya iyo Eritereya laba dowladood kala noqdeen, Itoobiyana noqtay marin badeed la'aan waxay usoo jeheysatay dhanka Soomaaliya. Halkaas waxaa idinka muuqan kara himiladeedu inayan weli caga dhigan!.

Hadba shirqoolkaas waxaa looga bixi karaa wadajir iyo isku duubnaan iyo anagoo ka baxna isku dhex mashquulka la isku keen diray si aan uga il duufno qorshaha dhexdiina uu ka wado Zanawi iyo kuwa ku garab siiya qorshahaas.