Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Jimcaha Maanta Iyo Baraarujinti Dr. Shuceyb Iyo Casharkii " Dumarka Iyo Uurka"

Thursday - January 29, 2009

Haweenka mudada ay ilmaha sidaan waxa jirkooda ku dhaca isbedel fara badan oo ay ka mid yihiin: Culeyska jirkooda oo kordha, Nafaqo siyaado ah u baahdaan iney qaataan, Cuduro daahsan oo soo shaac baxa xiliga ilmaha ay sidaan kuwaa oo ay ka mid yihiin, Cudurka Sokorowga (Gestational Diabetes), Dhiig karka (Hypertension), iyo Dhiig yari (Anemia).

Haweneyda uurka yeelata hadii ay horay u qaadan jirtay dawada loo qaato cudurada Sokorowga iyo kuwo kaloo ka duwan, waxa suuro gal ah in loo baahdo in la kordhiyo ama la dhimo tirada iyo tayada dawada ay qaadan jirtay, sidaa darted had iyo jeer waxa ay u baahan tahay iney la xiriirto ama la tashato takhtarkeeda.

Waxa lagama maarmaan ah in si joogta ah loola socdo wixii culeys ah ee ku kordha haweenta uurka leh oo ay dhici karto miisaanka inuu kordho ama hoos u dhoco, labaduba waxey dhibaato weyn u geysan karaan haweenta iyo ilmaha ay uurka ku sido.

Guud ahaan waxa ku korodha haweenta uurka leh 25 – 28 Lbs. ama 10 ilaa 15 kg inta ay ilmaha sido, habka miisaanku u kordhi karo waa sidatan:

 1) Sadexda bilood ee hore, waxa ku korodha ilaa 3lbs ama 1.5 kg.

2) Sadexda bilood ee dhexe, waxa ku korodha 1lbs ama 0.5 kg todobaadkii.

Guud ahaan ilmuhu waxa ay ka koobmaan boqolkiiba afartan (40%), miisaanka ku kordha haweenta uurka sida oo u dhigma 7.5 lbs. biyaha ku xabisma jirka waxa ay ka koobmaan 6 ilaa 8 litir, marka ilmaha ay uurka ku sido dhameys noqdaan.

3) Marka laga bilaabo bisha afaraad ilaa iyo bisha sagaalaad laga gaaro waxa ku korodha Haweenka uurka sida hal lbs am 0.5 kg wax ka yar todobaadkii, sidaa darted waxa halkan ka cad in haweenta uurka leh ay qiyaasi karto miisaanka ku kordha jirkeeda iyada oo aan la kaashan takhtarkeeda.

Sida la ogyahay, hooyada waxa ay nafaqo siisaa qof labaad, sidaa darted waxa loo baahan yahay iney kordhiso nafaqada ay qaadaneyso ilaa iyo 300 oo kalori maalintii, sida ugu haboon oo loo qaadan karo nafaqada waa sidatan: Caano ama wixii u dhigma, koob mugii sadex ama afar goor maalintii. Khudrad cagaaran iyo miraha kala duwan, afar ilaa shan goor, sida Moos, Tufaax, Canab, Canuuni, Liinta macaan, iyo wixii kaloo soo raaca. Hilib, Malay, ama wixii u dhigma, labo ilaa afar goor. Rooti, Bariis, Baasto, Muufo, shan goor maalintii.

Waxa si gaar ah loogu baahan yahay in haweenta uurka leh ay qaadato macdanta loo yaqaan birta ama (Iron), iyo fitamiinka loo yaqaan folic acid, sidoo kale ay iska tilaasho cudurka loo yaqaan Tetanada.