Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waardiyihii Hore Ee Usama Bin-Ladin " Al-Qaacida Way Joogtaa Soomaaliya"

Sunday - Feb 1, 2009

Yemen-Sanca: Nin lagu magacaabo Fawzi Maxamed Cabdi Qawi oo hore u ahaan jiray Gaarka khaaska  ah ee Usama Bin-ladin ayaa isaga oo ku sugan wadanka yemen wareysi siiyey jariidada "Qudus al-carabi" ee ka soo baxda magaalada London cariga Ingiriiska...ayaa waxaa uu wareysigiisa taabanayey arimo badan balse waxaan jecleysanay inaan idiin soo koobno intii khuseysey arimaha soomaaliya.

Fawsi  oo dhawaan ka soo baxay xabsi ku yaala magaalada sanca kadib markii ay dowlada cafis u fiidisay ayaa wareysigiisa lagu weydiiyey waxa uu ka ogyahay al-qaacidada soomaaliya, waxuuna sheegay  inuu aaminsan yahay in alqacida joogto dalka soomaaliya halkaasna ay iska soo abaabuli karaan,  dhamaadkii sagaashanaadkii al-qaacida badan ayaa joogtay wadanka soomaaliya waxeyna xidido ku leedahay halkaasi hadana waa suuragal inay mar kale halkaasi iska soo abaabulaan ayuu yiri waardiyahaas.