Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Shiikh Shariif Waa Caqli-Gal Wuxuuse U Afduubanyahay Kuwa Danta Guud Tan gaarka Ah Uga Darantahay

Monday - Feb 2, 2009

Jabuuti- Mogdisho: Inta badan wey isku raacaday Shiikh Shariif inu leeyahay Astaamihii lagu arki jiray Shiikh-diimeed oo u leeyahay anshax wanagsan, dulqaad iyo sacbo nadiifa,umana eka shiikh shafkiisa wax jiifaan, sida la aaminsanyahay ma aha akhas-sunaas gar-maqaata ah oo caqliga dooni laga saaray, dhagahana waa u daloolaan oo si asluubeysan ayuu dadka u dhageysta.

Shiikh Shariif oo loo duubay madaxtinimadi dalka dushana ku qaaday culeys deyn ka xog badan, karti-daro waa halkeeda laakiin dhagarta laga filayo waa yartahay markii loo eego dadka jabuuti ugu yaacay hunguri iyo xil-doon lagu daneysanayo... kama muuqato digasho, faan faataadhugleyn haraad xukun iyo fal-falxumo, waxuu u muuqda nin qabuul leh oo aan kali-tashade ahayn, kamana muuqato qabweyni qar ka tuurikarta.

Sida aan maqleyno Shiikh Shariif waxaa ku furan hadalo iyo shuushu badan oo lagu eedeynayo khaai'n ragiisi gabay oo kaalinti laga sugayey gali waayey iyo balaayo horseed, laakiin dadka qaarkiis ay leeyihiin waa hadal xumaantis iyo xil aan mehersaneyn oo carab qoyani waxuu rabo waa sheega waana baadil shariifka waxuusan ahayn in lagu nabo.

Hadaba Dhaliilaha lagu sheego Shiikh Shariif iyado kooban:

1- Ma laha waayo aragnimo maamul-siyaaso oo gabi-ahaanba ciryaama uga jirta, sida la leeyahayna ma garankaro xargaha la kala jiidanayo meel u ka qabsado.

2- Sida lagu xanto ma laha geesinimo iyo adadkaan hogaanimo, balse itaal-daro ayaa ka muuqata.

3- Waxaa lagu sheega inu yahay nin jilcsan oo lagu dulxaajoonkaro lagdintana lala helikaro.

4- Waxa lagu sheega Nin qawleysatada ku hareereysan dhagartooda garan karin iskana celin karin sidi dhacday jabkii ay u keeneen Indhacade iyo kuwa la mid ah.

5- Durbaba waxaa muuqatay inu u sanduleysanyahay koox Aan xeerin magac, oo xeel siyaaso aan dan ka lahayn oo wada Faalso ah. 

6- Waxuu Aaminsanyahay haddusan Daahir Aweys iyo Shabaabka soo raacin usan ku kalsooneyn madaxtinimadiisa, kurbana wey ku haysa.

8- Ummad kala sadcaashay ma muuqato inu colaadeeda soo af-jarikaro una saldhigi karo .