Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Amxaar Gurane Oo Hindisay Inu Dib u Soo Nooleeyo Hogaamiye Kooxyadii Soomaaliya Si Ay...............

Tuesday - Feb 3, 2009

Dolow: Dowladda Ethiopia ayaa hindistay qorshe ah sidii ay meel isugu keeni laheyd Hogaamiye kooxeedyadii hore ee soomaaliya, iyadoo durba u yeertay qaar ka mid ah Hogaamiye Kooxeedyada, oo haatan gaaray gudaha dalka Ethiopia.

Sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo shabakadaan soo gaaray ayaa tilmaamaya in Dowladda Ethiopia ay damacsantahay iney dib u soo nooleysto hogaamiye kooxeedyadii horey ay gacan saarka la lahaan jirtay si ay gacan uga geystaan bur burinta Kooxaha Islaamiyiinta ee ku fidaya xuduuda Ethiopia.

Wararka ayaa xusaya inuu socda kulamo ay yeelan doonaan illa hadda qaar ka mid ah Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya iyo Saraakiil Ethiopian ah, waxaana soconaya abaabulo ciidan lagu xoojinayo si ay kaga hortagaan Islaamiyiinta sii xoogeysatay.

Deegaanka Dolow Ethiopia oo sida qorshuhu yahay uu ka dhici doono wajiga hore ee kulanka saraakiisha Ethiopianka iyo Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa lagu dhisi doono Jabhado ballaaran oo ka dagaalama gobolo dhowr ah.

Qaar ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa la sheegay in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, waxaana ka mid ah hogaamiyeyaashaas Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaan Barre Hiiraale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Dabageed, Bashiir Raage iyo Maxamuud Gudbaaye oo madax ka ahaan jiray Degmada Balcad.