Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Laba Dhalinyaro Soomaali Oo Lagu Gawracay Magaalada Cape Town Ee South Afrika

Wednesday - Feb 4, 2009

Cape Town: Laba muwaadin oo Somali ah ayaa ku geeriyooday magaalada Cape Town, Labadaas Muwaadin ayaa midka Hore qudha lagaga jaray dukaan uu ku lahaa xaafada Delf ee Magalada Cape Town Habeenimadii xalay, halka kan kalena Lagu Gubay Dukaan uu ka ganacsanayay oo isaguna ku yaalay isla magaaladaas Cape Town Gaar ahaan Xafaada West Bank

Ismaacil Cali Maxamuud oo 25 jir ah ayaa ah muwaadinka isaga oo dukaankiisa fiidnimadii xalay iibinaya soo weerareen Niman Budhcad ah oo ku hubaysan hubka fudud halkaas oo ay marxuumka qudha kaga jareen dukaankiisiina bililiqaysteen .

Allaah Ha unaxariistee Ismail wuxuu ka yimid magalada Muqdisho isaga oo dalkan S.africa Ku sugnaa muddo Hal sano ah.

Mohamed Hassan Maxamuud oo isna da ahaan jiray 25 sano ka mid ahaa dhalinyarada somaliyeed ku dhaqanaa xaafada west bank ee magalada Cape Town , Dukaankiisii lagu gubay sadex habeen ka hor halkaas oo uu u dhintay dhawacii ka soo gaaray gubashada dukaankiisa, Hayeeshee wali lama garanayo waxa sababay gubashada dukaanka.....Allaah Ha unaxariistee Mohamoud wuxuu kasooo jeeda degaanka gobolka Banadir gaar ahaan magalada Moqdisho ee caasimada Somalia  Marxuumku wuxuu isna dalkan Ku sugnaa Mudo gaareysa Laba sano ku dhawaad.