Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta Iyo Casharka"Shan ka Faaiideyso Intaan Shani Kugu Iman" By X. Xuseen

Thursday - Feb 5, 2009

'Shan ka faaiidayso Intaan Shani kugu Iman"

Walaalkayga muslinka ahow waxaan ognahay inaynu muslin ahayn mudo ka badan 14qarni,oo aynu rasuulkeenii suubanaa (SCW)ka dhaxalnay kitaabka quraanka kariimka ah oo kalaamkii ilaahay iyo Sunnaha rasuulkeenii Nabi Maxamed(SCW),sida ku cad axdiista rasuulku ka ee inoo dardaarmay,Iasgoo leh waxaan idiinka tagay labada aamusan ee raaca kuwaasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo Sunahayga.
Sidaas awgeed walaalkayga muslinka ahow waxaan kugu xasuusinayaa Qormadaydan inaad isku ilaawin Aduunyada ilaahay inoo cadeeyay in laga guurayo,inaguna aynu indhaheena ku aragnay inay run tahay,maadaama aynu garanayno in badan oo shalay noolayd aanay maanta aduunka joogin ee ay dhimatay ee miyaanay ahayn inaad u sahay qaadato Qabriga madow ee la galayo iyo imtixaanka qabriga ka bilaabmaya ee dhibta badan ilaa qiyaamahana taagan sida ilaahay quraanka inoogu sheegayo isagoo leh(Sahay qaata waxaad sahay u qaadataana waxa u gu khayr badan cabsida ilaahay).