Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Cutubyo Maleshiyada XasanTurkii Oo Maylka"mile" Soo Tirineysa Ayaa Ku Soo Wajahan Mogadisho Si Ay...

Sunday - Feb 8, 2009

Mogdisho- Kisimayo : Warar Aad loo xaqiijinayo ayaa shaaca ka qaaday in cutubyo meleshiyo habaas kicineysa ilkaha jiriqsaneysa kana amar qaadata Qabweyne Xasan Turkii ay ka soo dhaqaajiyeen dhinaca jubada hoose iyagoo sida la sheegay laabta ku haya gurxan jihaad kuna hubeysan brigaano, boobayaal ololaaya, shakadaha rasaasta, sibraaro iyo mortarada tiirada dhexe wax ka dila ee arbushka cadawga loogu tala galay.

Wararku waxay intaa raacinayaan in tirada guutooyinka maleeshiyada dad arkay ay ku qiyaaseen 1000 -1500 qof oo inta badan ay u badanyihiin dhalnyaro aan sidaas u baaluqin da'doodu ka badneyn 15jir illa 16 jir walow la tilmaamay iney ka dhex muuqdeen Rag foolasha hore maqanyihiin "da'weyn" oo hawshoodu u badantahay guubaabada dhalinyaradaas si caqliga ay doon uga saaraan halacuna u leefo.

Dhinaca kale waxaa iyadana la carbaabay inkasto aan rasmigooda la xaqiijin in Maleshiyo iyagana ka amar qaata  Mukhtaar Roobo ay iyagana laga soo abaabulay dhinaca goblka Bay oo iminka ku si jiheeysan dhinaca Mogdisho iyagoo qorsha ahaan hawlgalada ay isla kaashanayaan maleshiyada Xasan Turkii iyo qaybo kale oo mogdisho ka abaabulan.