Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Mr.Meles Zenaawi Oo Ka' Acuudu-Bileystay In Shiikh Shariif Itoobiya Ka Noqdo Raiisal Wasaare

Monday - Feb 9, 2009

Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa Ra'iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mr. Males Zenaawi . 
Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Shiikh Shariif ayaa waxay tarjumaanadiisa u sheegeen in uu hadalka ku bilaabo “How are you?" oo la macno ah “Sidee tahay?" Mr. Melesna uu ku jawabi doona “ I am Fine” oo ah “Waan fiicanahay” dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And You?” oo ah “Adiguna?” kolkaas waxaad ku jawaabtaa “Me too” oo ah “Aniguna sidoo kale”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen madaxweyne Shariif.

Mar alla markii ay kulmeen madaxweynihi shiikh shariif iyo Ra’isul Wasaarahii Males ...ayaa waxaa uu Madaxweynihi Shariif si khalad ah u yiri “ Who are you?” oo macnaheedu uu yahay “Kumaa tahay” balse uu ula jeeday “How are you?” Mr. Males oo yaaban dhinacyadana fiir fiirinaya ayaa isagoo yaaban ku jawaabay "I am Prime Minister of Itobia" oo ah "waxaan ahay Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya" Meles wuxuuse warkii si raaciyey “And you?”, Madaxweynihii Shariif oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay "Me too" oo la micno ahayd “anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Mr. Meles oo u fahmay in uu madaxwynuhu leeyahay "anigana waxaan ahay Ra'iisal Wasaarihi Itoobiya"