Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Basashu Waxay Leedahay Ur Dhib Badan, Balse Laga Helo Dawo Fiican

Tuesday - Feb 10, 2009

DUBAI: Geedka basasha oo ka mid ah khudaarta lagu daro cuntada ee dhadhanka wanaajiya, ayaa la ogaaday inuu dawo ka yahay xannuuno kala duwan oo ay inta badan dawooyinka kiniinka ahi wax weyn ka tari Karin.

Dhammaan dadku waxay ka siman yihiin in dhibaatada urta kulul ee basashu leedahay, balse haddana waxa ay si midaysan u isticmaalayeen tan iyo sannadkii 1552kii ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

Dhakhtarkii ugu horreeyey ee soo bandhiga in geedka basasha laga heli karo dawo waxa uu ahaa "Amnaxtan" oo caddeeyey in ay daawo ka tahay xannuunada inta badan ku dhaca dadka xilliga xagaaga sida calool-xannuunka. Sidoo kale, waxa la sheegay in basasha isticmaali jireen Faraaciyiintii hore markii ay dhisayeen buuraha loo yaqaan 'Haramka' si uga helaan awood dheeraad ah.
Dhinaca kale, culimadii hore ee islaamka oo ka mid ahaayeen Abu-bakar Ar-raazi iyo Ibnu Saynaa, waxa ay sheegeen in biyaha basashu dejiyaan xannuuna ku dhaca caloosha.