Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Shariif Xasan Sh. Aadan Oo Helay Balanqaad Jagada Wasirka Maaliyada iyo ku Xigeen Raiisal Wasaare

Wednesday - Feb 11, 2009

Jabuuti : Ninkii Gudoomiyaha hore u ahaa Baarlamaanka Soomaalida isla markaana dhawaan ka mid noqday Baarlamaanka Somalida Garabka Djibouti Shariif Xasan Sh Aadan ayaa helay balanqaad Wasiirka Maaliyadda iyo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Dowladda cusub ee dhawaan la soo dhisidoono .

Wararkaan oo laga soo xigtay ilo aad loogu kalsoonyahay ayaa sheegay in Shariif Xasan oo Saaxiib la ah Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday Saxiibkiisan madaxweynaha noqday in uu noqdo Wasiirka Maaliyadda iyo Ra'iisal Wasaare ku-xigeen,taaso u tixraacayey balanqaad hore loogu balanqaaday in loo magacaabo xil wanaagsan madaama uu uga  tanaasulay Xilkii Gudoomiyaha Barlamaanka Sh,Adan Madoobe oo ahayd isaga in dib loogu celiyo sida qorshaha uu ahaa.