Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dr. Shiikh Shuceyb Bin Yuusuf Oo Ummadda Soomaaliyeed Uga Digay Iney Dhiciso Maandeeqda ILmaha Sida

Thursday - Feb 12, 2009

Asalamu Aleykum,

Maandeeq miyey markale Dhicin. ?

Kadib salaanta islaamka ee qiimaha badan, waxaan umada somaaliyeed inta ka hartay ee dalka gudihiisa ku nool, kana badbaaday dagaalkii sokeeye ee ka jiray dalka mudo hada ku dhow 19 sano iyo kuwa faraha badan ee qaxootiga ku ah dalal shisheeye, ogeysiinayaa in hashii Maandeeq ay mar kale Rimantahay, hase yeeshee waxa laga baqayaa in ay dhiciso sidii caadada u aheyd maadaama dadkii lahaa ay daryeeli waayeen oo weerar ay ku yihiin Ilmaha ay sido.

Tan iyo markii aan yeelanay Maandeeq 1960, waxa laga sugayay in ay noo dhasho ilmo fara badan oo aan u bixino magacyada wanaagsan oo kala ah: Nabad, Madaxbanaani, Horumar, Xasilooni, Iskufilaasho, iyo heybad aan ku yeelano bulshooyinka aduunka ka jira.

Nasiib daro in la ogyahay ma filayo, hadii aan Allah noo naxariisan iney tahay markii ugu dambeysay ee ay maandeeq Rinto, maxaa yeelay waxaa ka daba yimi da' iyo dhibaato fara badan maadaama markasta ay rinto oo ay Dhiciso dhiig fara badan baa ka baxo oo xoogeeda baabi'iya.

Maalintii Jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay, waxa la caleema saaray hogaamiye cusub oo laga rajo qabo inuu ku furo Maandeeq meel doog iyo nabad ay ku dhantahay, hase yeeshee waxuu u baahan yahay umad la garab gasha oo la ilaalisa Maandeeq, maadaama cadowgeeda la koobi karin haba ugu darnaatee kuwa dad u xiga. Waxey ila tahay midan iney tahay fursadii noogu dambeysay ee aan ku badbaadin laheyn hasheena maandeeq.

Hogaamiyaha iyo ilaaliyaha cusub ee hasheena, waa qof la is yiri marxaladan adag ee ay ku jirto wuu ka saari karaa, waxa lagu maleynayaa inuu yahay nin la xaajoon kara xoogaga islaamiga ah ee dalka meelo ka mid ah hada ka taliya, waa nin lagu yaqaan inuu leeyahay tanaasul marka loo baahdo, sidaa darteed waxa waajib ku ah qofkasta ee daneynaya in laga boxo marxalada adag ee dalku ku jiro in uu siiyo kalsooni buuxda lana yimaado wada shaqeyn iyo garab gal.