Qof Dhabcaale Mooye Nin Kale Waa U Dhadhamaysa...Shuceyb Takhtar U Heelan Bulshada. W/bixin+Wareysi PDF Print E-mail
Monday, 15 February 2010

Waxaan halkaan ku salamaya akhristayaasha mareegaan Galdogob Times Oo kala jooga hareeraha dunida iyo dalka gudihiisaba anagoo wax idin dhimin dhagaha idin kaga buuxino barashada halyeyda barbaarta kuwa u heelan wanaaga ummadooda, oo doortay raalinimada rabiga iyo rasuulka ,anagoo si taxdar xushmad wacan leh idin la socodineyna kolba halka shakhsiyaadka aqoonyahanada qurba jooga taariikhdooda nolosha abtirisa iyo waxtarkooda marayo,kuwaasoo inta badan mudan qadarinta qiimaha leh ee ay u harsan-waayeen in ay fikirkooda iyo aqoontooda caafimaadka qaba u soo bandhigaan ummada iyagoo markasta ku saleynaya waano, wacyi  iyo soo af-jarida colaada ummada kala sadcaashay ee danahooda miiska wada yaal, markastana loo baahanyahay in la rogrogo oo sida ugu wanaagsan loo hirgaliyo si xaalada ba'an lagu jiro isu badasho.

Ha lagu ilmeeye horta dhimo, af ma aha ... Geeridu waa lama huraan .. Aadamaha aan ka soo jeedno ayaa dhaqan ka dhigtay iney qofku markay Tii ilaahay soo qaabisho ku dadaalaan ka waramida wanaaga qofka galay runtiina waa siifo wanaagsan ... hasa yeeshe waxaa ayaan daro ah in intu qofku noolyahay aan la dareensiin halka u bulshada kaga jiro, sidaa darteed ayaa Websit-kaan Galdogob Times oo had iyo jeer ku hamisa uu heelanaanta raad raaca ku sameysa shakhsiyaadka ka dheer is yeel-yeel ii dheh iyo faan una dhiileysan iney waqti siiyaan wax-qabadka bulshadooda ayaa u hub qaadatay iney Dr.SHUCEYB la wadaagto dareenka bulshada u qabto maqalka casharadiisa allaahu ma balaqto iyo sharaxaadiisa kala sifeynta cudarada saynisku cadeeyey. isagoo markasta ku soo hirta warbaahinta u kolba ka dareemayo mawaaqifta wanaagsan ee uu hawshiisa ku baahsankaro, isagana ku dhiirigalineysa inu si kordhiyo dadaalka iyo hawlkarnimada u la yimi.

Waa iska caadi in carab qoyani hadlo laakiin qalinka waxaa qaalib isticmaala qofka wax qora cilmigiisu intuu doono ha jooge,waxaana inta badan laga fila xaq, cadaalad, run, wax-barasho, waano , wacdi , wacyi galin iyo horumar oo intaas dhan ajar alla u dheer yahay ... ama waxuu aqoontiisa dhinaca ka raacda cuqubooyinka diriraya oo baadil ku qotama xeerna ka dhigtaa buntukh iyo boobe dhaa-dhaa leh, isku dir iyo kicin oo hadhawna ku seega aakhiro iyo aduunba.

Runta lama inkiro, bense waa la asaraaraa , talo nasteexo waxaa iga ah oo aan faraya kuwiina tafaftirayaasha,aalada shabakooyinka wararka iyo cod-baahiyaasha intaba door weyn ka qaataan in wadanka guud ahaan u horseedaan wanaag iyo xaq oo aysan noqon kuwa buka oo baadilka wax ka iftiinsha suntana sii daaya oo cashaba shiikh mufti ah wax been ah ku maqaar-saarta, waxaana taas looga hortagi kara inaan makrafoonka iyo qalinkaba la hordhigin dharaqleeyaal maanka ku haya balaayada ee ummada boqon-goyneysa kuna iftoonaya in ay banaantahay buufiska baaruuda.

Waxba hadalka yuu ila gudbine waxaan ku soo gaabshay, maanta halkaan waxaan idin ku soo gudbinaya wareysi aan la yeelanay soomajeeste aan wadnihiisa galow oran markay timaado arimha wacyi-galinta diinta iyo baaqa wadaniyada waa Al-digtoor Shiikh Shuceyb Abu-yuusuf caalimka aan casharkiisa uga baranay Galdogob Times maal-maha jimcaha ilaahay dartiis na furdaamiya .

Caalim Al-digtoor sh. shuceyb suragal ma aha in hal maqaal ama dhawr qoraal wax qabadkiisa lagu soo koobo, waxaanse jeclnahay inaan idin soo gudbino intii illa hadda noo surgashay inaan soo aruurino walow isaga aan mustaqbalka dhaw ka rajeyneyno inu taariikh nololeedkiisa intaan ka badan wax noga sii kordhiyo.

Waxba lama qarsho ... Run la hubo furqaan baa leh ... Taariikhdu waa marag ... Al-Digtoor caalim shiikh Shuceyb waxuu ka soo jeeda caa'ilad weyn oo taxan jubooyinka hoose illa degaanada Bari, Awoowayaashiisna waxay ahaayen chief caaqilada mandiqada gobolada bartamaha illa Bari waxaana lagu yiqiinay nafti hurayaal aan boqol iyo jar, bir iyo haadaan uga leexan halganki weynaa ay u soo galeen xornimadoonkii Soomaaliyeed waxayna ahaayeen Macalimiin , Siyaasiyiin waxay ahaayeen kuwa hoodo loo siiyey aftahano burqaneysa iyo halabuur , Suugaanta sida gabayada si ay ummada u baraarujiyaan una tusaaleeyaan xoriyada iyo horumarinta ay ilbaxnimada iyo dawladnimada dadka iyo dalkaba u leeyihiin ... Aabihiis Yuusuf Xaaji waxuu ahaa siyaasi ka qayb qaatay dajinta iyo habeynti administareshinkii maamuladi qaranka soo jiray siiba waqtiyadi lixdamakii oo dawladnimadu curdanka ahayd

Caalim Al- Digtoor Shiikh Shuceyb daaciga ku ah wixi alla baray, waxa uu ku dhashay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxa uu yaraantiisii ku noolaa magaalooyinka kala ah Ceel Buur, Afgooye Balcad, wuxuu kaga baxay dugsiga hoose magaalada Marka, waxa uu ku koray oo wax ku bartay magaalada Muqdisho oo uu kaga baxay dugsiga dhexe, dugsiga sare iyo Jaamacada Muqdisho, Kuliyada Daawada iyo Qaliinka, sanadku markuu ahaa 1980 kii wuxuu waxbarasho kala duwan ka korodsaday dalka Talyaaniga iyo Canada ... Sanadku markuu ahaa 1988 waxa uu u haajiray Canada, Inta badan khibradiisa dhanka shaqada waxa uu ka helay Soomaaliya, Talyaaniga, Kanada iyo Saudi Arabia.  Waxa uu hada ka howl galaa magaalada Riyadh, dadka yaqaan waxa ay ku tilmaamaan inuu yahay nin bulshada ku dhex nool oo aad u naxariis badan jecel bukaankiisa, hadal macaan , gacan macaan marka aad aragto oo la sheekeysato oo aad barato waxaad dareemi inaad kasbatay saxiib aad ku tashan karto, xaqa ku adag, hawl kar ah, aamin ah, kheyrka la jecel aadmiga oo dhan aan ka biqin inuu sheego wixii runta ku saleysan.

Ugu Dambeyn Akhristoow waxaan halkaan kugu soo gudbineynaa su'aalo kooban oo aan wax ka weydiinay Fadiilat Al-digtoor Sh. Shuceyb oo inta badan aad ka heleysaan wax noloshiina khuseeya isagoo si fiican nooga jaahil saaraya weydiimadaas ... ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiye:

Su'aal: Digtoore marka hore nooga waran hawlaha dacwada aad gacanta ku hayso iyo halka aad is leedahay waad ka gaartay?

Jawaab :
Ugu horeyna waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo Saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, iga gudoon mahad iyo qadarin la xiriirta howsha weyn ee aad qabato adiga iyo inta gacanta kugu siisa bogan www.galdogobtimes.com, aniga marka la barbar dhigo shaqada aad qabataan ee Dacwada qeybta aan ka qaato aad bay u yartahay, Allah waxaan ka rajeyayaa inuu idinka abaal mariyo, qofkii dadka wanaaga fara wuxuu la ajar yahay kan wanaagaa ku camal fala, intaa hadii aan ka gudbo qeybta aniga aan ka geysto Dacwada aad iyo aad bay u yartahay ama u kooban tahay marka loo fiirsho kuwa walaalahey ay ka geystaan meelo badan oo dalka iyo dibadiisa ka mid ah, dadaal baan ku jiraa inkastoo shaqadeyda ii gaarka ah ay waxbadan la mid tahay dacwada iyo wanaaga dadka la faro. Allah waxaan ka rajeynayaa inuu igu garab galo iina barakeeyo howsha yar ee aan ka qabto dacwada, mid wejigiisa aan ula kacayna ha ka yeelo.

Su'aal: Waa maxay Cibaadadu?

Jawaab:
Cibaadadu hadii aan soo koobo waxa weeye in lala yimaado dhamaan wixii Allah ina faray inta aan karno, isla markaana laga fogaado wixii Allah nooga digay intii karaankeena ah. Cibaadada kuma koobna oo qura salaada, Soonka, Zakada, iyo Xajka, Cibaadadu waxey dabooshaa shaqada uu qabto qofka muslimka ah maalin walba oo ku saleysan Ikhlaas iyo cabsida Rabbi.

Su'aal: Sidee baan ilaahay ugu dhawaan-karnaa?

Jawaab:
Allah sida ugu wanaagsan uguna fudud ee loogu dhawaan karno waa inaga oo la nimaana wixii wanaag ah ee uu nafaray kana fogaana wixii xumaan ah ee uu nooga digay, midaa hadii lasoo koobo lagu tilmaami karo (Allah oo laga baqo wixii camal ah ee la qabto isaga dartii oo qura loola kaco).

Su'aal: Muxuu Hadaba ilaahay nagu jeclaanaya?

Jawaab:
Allah waxa uu ku jeclaadaa adoonkiisa marka uu la yimaado wanaaga la faray kana fogaado xumaha looga digay, camal kasta oo la qabto waa in Allah dartii oo qura loola jeedo, waa in laga fogaado akhlaaqda xun, Nifaaqa iyo Ri'yaaga, sadexdaa oo camalka wanaagsan buriya.

Su'aal: Qofku muxuu ku garanaya in ilaahay jeclyahay?

Jawaab:
Allah markuu jeclaado adoonkiisa waxa uu faraa oo ku yiraah Malak Jibriil ogow adoonkan waan jeclahay, markaa Jibriil baa isna jeclaada oo ku yiraah Malaaikta kale adoonkan Allah baa jecel aniguna waan jeclahay, Malaaikta baa iyagana jeclaada oo ku yiraah Aadmiga oo dhan ninkan Allah baa jecel, Jibriil baa jecel inagaa jecel, markaa Adoomada Allah oo dhan baa jeclaada, hadii aad aragto Adoon Allah oo dadku jecel yihiin waxaad ogaataa inuu yahay qof Allah jecel yahay.

Su'aal: Maxaan helaya haddaan helo jaceylka Allah?

Jawaab:
Marka Allah jeclaado adoonkiisa, wuxuu u noqdaa Indhaha uu wax ku arko, Dhegaha uu wax ku maqlo, iyo Adimada uu wax ku qabsado, wuxuu ku toosiyaa wixii khayr ugu jiro wuxuu ka fogeeyaa wixii xumo u horseedaya, wuxuu u barakeeyaa Camalkiisa, Xaaskiisa, Caruurtiisa iyo Maalkiisa, wuxuu gaaraa wanaaga dunida iyo mida aakhiro.
 
Su'aal: Allah waxuu yiri adoonkeyga waxuu i weydiisto waan siin ... hadaba ma runbaa markaan baryiiweyno alle waa noo caroodaa?

Jawaab:
Farqiga u dhexeeya baryada Allah iyo midka aad bariso adoomada, waxa weeyee: Allah markaad ku badiso baryada wuu ku farxaa, adoomada marka aad bariso oo baryada ka badiso wey ku nacaan oo waxey dhahaan qofkan baryo badanaa sida ay ku maah maahaan Soomaalida (Baryo Badan iyo Bugto Badan waa la isku Nacaa). Allah marka aad bariso oo wax khayr kuugu jiro ka dalabto wuu siiyaa adoonkiisa waxa uu ka baryay hase yeeshee waxa jawaabtu ku xiran tahay sadex arimood:
1)- Waxa aad Allah ka barisay waa iney tahay wax wanaagsan oo khayr kuugu jiro.
2)- Waa inaad dhowrto inta Allah kaaga jawaabayo baryadaada oo aadan degdegin oo aadan oran Allah maxuu iigu jawaabi waayay, waa in marka hore aad aheyd Adoon Allah ka Baqa oo dariiqa wanaagsan haysta.
3)- Waa in aad bariso Allah wakhtiyada baryada la aqbalo sida wakhtiga u dhexeeya Adhanka salada iyo Iqaamada, Habeenka Gelinkiisa dambe, marka la Afurayo, Maalinta Carafo, iyo Maalinta Jimcaha salaada Casar ka dib inta aan Qoraxda dhicin.  

Su'aal: hadaba hadaan rabno inaan guuleysano aakhiro iyo aduunba maxaan hadaf ka dhiganeynaa?

Jawaab:
Qofkii raba inuu guuleysto Aduun iyo Akhiro, waa inuu ka Baqo Allah oo Cibaadadii loo abuuray darteed la yimaado intii karaankiisa ah sida ugu wanaagsan. 

Su'aal: Allah muxuu dadka u uumay?

Jawaab:
Allah wuxuu u abuuray dadka iyo Jinka hal sabab oo qura sida Qur'aanka noo sheegay "Wa maa khalaqtul Jinna wal Insa Ilaa li Yacbuduun", taa o ah iney Isaga oo qura Caabudaan, kana fogaadaan Shirkiga noocyadiisa kala duwan.

Su'aal: Dambi la galo keebaa u weyn?

Jawaab:
Dembi ama dulmi la galo oo ka weyn ma jiro, in Allah wax kale lala barbardhigo oo lagu kufriyo, sida Qur'aanka noo sheegay "Ina Shirka la Dhulmun Cadiim"

Su'aal: Dadka is-qarxiya maxay diintu ka qabta?

Jawaab:
Allah isagaa Nafta Abuuray oo Iskaleh, adoomadiisa amaano bay ku tahay inta Allah dib uga ceshanayo, hadii qof shey kugu amaaneysto waa dembi weyn inaad wixii amaanada kugu ahaa ka yeesho sidii aad doonto, waxa waajib kugu ah inaad u xafido.  Amaanada Allah wey kasii dembi badan tahay markaad ku xad gudubto, midaa waxa kasii daran inaad goyso naf kale oo Allah leeyahay markaad si dulmi ah isu qarxiso oo dad muslim ah oo wax dembi ah ama godob kaa gelin aad geeri iyo dhib u geysato, qofkii ficilkaa fala wuxuu mudanayaa Carada iyo nacalada Allah ee dunida iyo Cadaabta Aakhiro oo uu ku waarayo, waxaa loo diyaariyaa Cadaab weyn, Janno uu galo iska daaye xataa udgoon keeda ma carfinayo.

Su'aal: Gulufka colaadeed ee aafeeyey bulshada soomaaliyeed side Shiikhyadiina dacwada wax uga qaban kartaan.

Jawaab:
Waa su'aal weyn oo jawaabtu adagtahay, aniga waxey ila tahay, qeybta ay culimada ka qaadan karto sidii loosoo afjari lahaa dhibka ka jira Soomaaliya waa sadex arimood:
1)- Iney u gargaaraan walaalahood oo kii dulmisan garab galaan kuna dadaalaan sidii dulmigaa ay u joojin lahaayeen, midka dulmiga wada ay u nasteexeeyaan oo faraan inuu Allah ka boqo.
2)- Waa iney umada faraan wanaaga ugana digaan Xumaha, iyagana ka fogaadaan iney qeb ka noqdaan dulmigaa sida ay sameeyaan kuwo badan oo culimo sheegta oo baansiin kusii kordhiya dabka ka ololaya Soomaaliya.
3)- Waa iney badiyaan Ducada iyo Baryada Allah si dhibka ku habsaday dalkeen mudo gaareysa 20 sano si dhakhsi leh usoo afjaro, waa iney faraan umada in Allah loo laabto oo dembi dhaaf la weydiisto lagana Towbad keeno wixii Xumo ah ee horay loo sameeyay.
  
Su'aal: Maxay diintu ka qabta kooxaha, axsaabta iyo Ururada lagu biiraayo?
 
Jawaab:
Suubanaha NNK ha ahaato wuxuu noo sheegay in umadiisa marka Qiyaamuhu soo dhawaado oo la gaaro "Aakhiru Zamanka" ay u kala bixi doonaan 73 koxood mid mooyee intooda kale ay gelayaan Naarta, Kooxda ka badbaadeysa Cadaabta waa midii qabsata oo ku dhaqanta Kitaabka Allah iyo Sunnada Suubanaha NNK ha ahaato, Allah waxaan ka baryayaa inuu naga yeelo kooxda ka badbaada cadaabta iyo carada Allah.
 
Su'aal: Sidee isu waafajisaa Dacwada iyo shaqadaada Takhtarnimo?
 
Jawaab:
Shaqada Caafimaadka oo aan qabto aniga iyo saxiibadey Takhaatiirta Soomaalida ah waxey ka mid tahay Dacwada, maxaa yeelay waxaan dadka farnaa wanaaga waxaana uga dignaa wixii naftooda dhib u geysan kara sida Sigaarka, Qaadka, Khamriga waxaan farnaa iney quutaan Oonti xalaal ah, waxaan uga dignaa guud ahaan Munkarka oo dhan, waxaan si gaar ah ugu baraarujinaa waxyeelada ka yimaada Sinada iyo Cudurada badan ee ku hoos dhuunta.  Sidii Allah qur'aanka ku tilmaamay "Qofkii naf nooleeya wuxuu la mid yahay isaga oo dadka oo dhan nooleeyay", sidaa darteed waxaan ku dadaalnaa sidii aan uga fududeyn laheyn qofkii cudur Allah ku ibtileeyo xanuunka haya, waxaan farnaa hadii uu ku sabro wixii soo gaaray in Allah Abaal iyo Ajar weyn ka siinayo dembi dhaafna looga dhigayo.
 
Su'aal: Ugu Dambeynta maxaad kula talin umadeena gaar ahaan inta daalacata boggan www.galdogobtimes.com

Jawaab:
Waxaan nafteyda iyo dhamaantiin kula talinayaa in Allah laga Cabsado oo xarigiisa la qabsado, dhibka lagu samro, ducada Allah la badiyo, Xumaha iyo dulmiga la iska ilaasho, waa sida lagu gaari karo guusha dunida iyo mida aakhiro, jaceylka Allah lagu kasban karo. Allow naga yeel kuwii aad jeclaato oo aad raali ka noqoto. 
 Fiiro Gaara : Su'aalaha la xariira Caafimaadka dib ayaan ka soo deyndoonaa haddi alla idmo

                                                   Galdogob Times News Desk 
 

Comments (0)add comment

Write comment
You must be logged in to a comment. Please register if you do not have an account yet.

busy
 
webhosting