Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Madaxweyne Xasan Oo Cambaareyey Dhawaaca Wariye Tima-Cade

Tuesday - October 22, 2013

Muqdisho- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cabaareeyay weerar saakay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Universal xaruntiisa muqdisho.

Madaxweynaha ayaa amray in caddaallada la horkeeno kooxaha dhagar qabayaasha ee toogtay wariyaha, wuxuuna ugu baaqay shaqaalaaha TV-ga Universal iyo dhammaan wariyaasha ka howlgala Muqdisho in aysan wax cabsi ku keenin shaqadooda weerarkaas.

Sidoo kale, waxaa weerarkaas cambaareeyay wariyaasha ka howlgala Muqdisho iyo hey'addaha u doodda xuquuqda saxaafadda.

Dhinaca kale, xaaladda wariye Tim Cadde oo markii hore la sheegay in ay khatar tahay ayaa hadda soo hagaageysa, waxaana lagu sameeyay qaliin in kastoo uu ku jiro xaalad kooma ah.

Magaalada Muqdisho waxa ay ugu horeeysaa meelaha lagu weerarro suxufiyiinta Soomaaliya, waxaana sannadkan kaliye lagu dilay ilaa lix suxufi labo kalena waa lagu dhaawacay.

Ma jirto koox sheegatay weerarka lagu dhaawacay wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde.