Dawlada Kenya Oo Diiday Inu Dalkeeda Ku Tababarto Xidiga Mo Faarax
Thursday - October 24, 2013
Nayrobi-Dawladda Kenya ayaa ka xanaaqday tababarka uu dalkeeda ku qaato orodyahanka u dhashay Somalia iyo Ingiriiska Mr. Mo Faarax, waxaanay carqaladi soo waajahaysaa tababarkiisa.
Wasiirka Ciyaaraha Kenya Xasan Wario, ayaa isweydiiyay sababta uu Mo Faarax wadankooda ugu tababarto xilliga uu ku jiro diyaar garowga, dabadeedna uu ka badiyo ciyaaryahanada Kenya u dhashay. Maxaynu ugu ogolaanaynaa inuu Mo Faarax halkan [Kenya] ku tababarto, dabadeedna uu naga badiyo. Suaashaas ayuu wasiirka ciyaaraha Kenya is-weydiiyay.
Wargeysyada Ingiriiska ayaa wax ka qoray arintaan, waxaanay sheegeen inay dhibaato soo waajahayso tababarka ciyaar-yahankaas dalkooda u dhashay.
Wadanka Kenya ayaa muhiim u ah orodada dheer, maadaama oo ay Kenya tahay dhul sare oo qofka ku tababartaa uu guulo ka soo hoyn karo orodka sare. Mo Faarax ayaa sannadka cusub tababar ka bilaabaya gobalka Rift valley ee Kenya, oo ah dhul aad u sareeya, waxaanu u diyaar garoobayaa orod aad u dheer oo bisha April ee sannadka soo socda lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska. Orodkaas ayay masaafadda la ordayaa tahay 26.2miles.