Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Warkii Ugu Dambeeyey Gabdhihi Somaaliyeed Ee La Duufsaday Si Ay Ugu Safraan Suuriya

Sunday - October 27, 2013

Sida laga yaabo in intiina badan aad la socotaan waxaa dhawaan ka safray dalka Norway laba gabdhood oo Soomaaliyeed oo da'doodu kala tahay 19 iyo 16 sanno, kuwaas oo kooxa xagjir ahi Quraan dhurwaa si kale ugu micneeyey,oo dhabo weecan waajib uga dhigay iyagoo isla markaa dabino u daadiyey ku qanciyeen una fududeeyeen in ay ka baxsadaan waalidkood si ay uga qayb-qaataan dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, iyaga oo ugu sheegay in ay tahay goob jihaad, si kastaba ha ahaatee Aabaha gabadhaha dhalay ayaa cadeeyey in labadaas gabdhood ay gudaha u galeen dalka siiriya oo ay ku noolyihiin darbi dhaxan ah iyo goob ay haystaan mucaaradka Suuriya oo halkaas duulaan dagaal maalin walba lays ku hoobto
 
Aabaha dhallay labadaas gabdood ilmada ka da'aysa iyo imtixaanka haysta oo ka daba qaatay toosh weyn daba-galkooda iminkana weli ku sugan Turkiga ayaa maanta fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa internetka isaga oo sheegay inu hablahaas raadkooda ku taaganyahay rajana ka qabo idinka ilaahay iney gurigoodi hooyo ku soo noqdaan ma daama durba ay indhahooda ku arkeen xaqiiqada meesha taal iyo waxa u soo baxay oo aysan fileyn oo ka fog wixii lagu qanciyey, .. Abaha ayaa si gaara ugu mahad celinaaya asxaabta iyo ehelada qaaliga ah sida garab istaaga ah ula tacaalay.
 
Dhinaca kale Somaalida ku nool carigaa Norway ayaa waayahaanba indhihi is qaban waayeen cabsi ay ka qabaan in dhibaato ay uga timaado xaga xag-jirka dhalinyarada Norway oo ka xun dalkooda oo bahal galeen u noqday xag-jirka islaamistaha, oo halkaas gaar ahaan xag-jiro somaaliyeed dalkooda ka abaabulaan falalka argagixisada, waxayna si gaara war-baahintooda daily u tilmaamaan gacan ku dhiigle Xasan Cabdi Dhuxulu oo la sheegay inu ku noolaan jiray dalka Norway ahaana maskaxdi ka dambeysay dhacdadi Moollka Nairobi.