Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Kenya Oo Sheegtay Iney Duqeysay Saldhig Ay Kooxda Al-Shabaab Ku Carbineysey illa 300 Maleshiya Ah

Friday - November 1, 2013

Bay-Diinsoor-Milateriga dalka Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay duqyn cirka ah ay ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku tabaranayasay ciidamo oo ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Wasaaradda gaashaandhigga Kenya, ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahayd Al-shabaab.
 
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 300-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo tababarro ku qaadanayay saldhiggaas, ay sheegtay Kenya in ciidamo shabaab ah lagu carbinayey.
 
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab ay bil ka hor weerar ku qaaday suuq ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo kooxihii weerarka ku qaaday ay gacanta ku hayeen afar maalmood oo xiriir ah, sidoo kalena ay ku dhinteen 67-qof oo Kenya iyo ajnabi isugu jiray.
 
Diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa toddobaadkii hore duqeyn ay ka geysteen tuulada Dhay-tobaako oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi (Anta-Anta), iyadoo dowladda Somaliya ay sheegtay inuu ahaa ninka Al-shabaab u qaabilsan dhinaca qaraxyada.
Al-shabaab ayaa beenisay sheegashada ciidamada Kenya ee ku aaddan inay duqeyeen goob ay tababarro ku siinayeen xoogaggooda, balse goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in duqeyntu ay jirto,balse aan xog dheeraada laga heli Karin sida ay wax u dhaceen