Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Gob-Gob Dhaaftay Marwo Yusur Marki Ay U Adkeysan Weyday Dawladi Oo Geedka Ay Jirida Ka Cuneyso Isc.

Saturday - November 2, 2013

Muqdisho-Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya marwo Yussur Abrar ayaa si lama filaan ah isaga casishay jagadaas muddo todobo usbuuc ah ka dib markii loo magacaabay sida uu soo qoray wargeyska Finacila Times oo ka soo baxa dalka Britain, ayada oo sabab uga dhigtay masuqmaasaq ka dhex jira dowladda. Arrintaan ayaa khalkhal galindoona deeq bixiyaasha oo damacsanaa in dhaqaale xoogle ay galiyaan dalka Soomaaliya.
 
"ilaa iyo markii la ii magacaabay ayaa waxaa culeys laygu saaray in aan wax masuqmaasuqu, taas ka baxsan masuulayadii leey xil-saaray in aan ugu shaqeeyo umadda Soomaaliyeed, sidaana waxaa tiri Yussur Abrar oo iscasilaadeed qoraal ugu dirtay madaxweyne Xasan Sheikh.
 
Warqad seddex bog ah oo ay iscasilaadeed ugu dirtay madaxweynaha Xasan Sheekh, ayeey Yussur ku sheegtay in ay wax isdaba-maris ka dhex jiro dowladda dhexdeed taasna ay albaabada u furi karto masuqmaasuq.
Deeq bixiyaasha ayaa u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya siiyaan dhaqaale aad u ballaaran ka dib shirar lagu qabtay dalalka Turkey, Belgium iyo UK bilooyinkii la soo dhaafay si dib loogu dhiso dalka Soomaaliya oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen muddo ka badan labaatan sanno.
 
Marwo Yussur ayaa sidoo kale waqadeeda ku sheegtay in ay diiday ogolaasho ay ka codsadeen Shulman Rogers oo ah hay'ad qareen ah (Law Firm) kana howl-gasha dalka Markeynka oo rabay in ay qandaraas ku qaataan soo aruurinta hantida dalka Soomaaliya uga maqan dibadaha wixii ka horeeyey 1991. Hay'addaan Shulman Rogers ayaa dowladda Soomaaliyeed u adeegsatay in ay ka difaacaan eedeymo ay Qaramada Midoobi u soo jeedisay dowladda Soomailiya.
 
Yussur oo Dubai uga gudubtay Bruseless waxay tibaaxday in sababaha is casilkeeda ugu weyn tahay markii cadaadis lagu saaray in lacag dhan Afar Boqol iyo Todobaatan Milyan Dollar,oo Dowladda Somalia u taal Caalamka u saxiixdo Shulman Rogers Law Firm oo loo xilsaaray inay lacagtaas ka soo wareejiso Bankiyada Caalamka kuna wareejiso Ganacsade lagu magacaabo Muuse Ganjab.

Marwo Yusur waxay tiri: Madaxweyne Hassan ayaa u gudbiyay ashtako,waxaan u sheegay inaan aqbali Karin amarka sharci darada ah ee la igu khasbaayo, laakiin nasiibdaro wuxuu igu dhahay raac amarkooda lacagtana u saxiix Shulman Rogers Law Firm, waxuuna intaa raaciyey oo yiri Anagaa meesha ku keensanay ee amarka qaado
 
Yussur oo sheegtay inay warbixin siin doonto Dowladaha Midowga Yurub iyo Hayado badan waxay si kooban u tiri Hadii Shacabka Soomaaliyeed sii eegtaan sidaan qaldan ee Madaxda Dowlada u boobeyso hantida Qaranka,waa ayaandaro xanuun badan
Sida la cadeeyey waxaa hore heshiiska Shulman Law Firm la saxiixday Gudoomiyahii iscasilay Abdisalan Omar hasse- yeeshee waxay Yussur diiday in lacagtaan lagu wareejiyo Ganacsade Muuse Ganjab,waxayna dalbatay in lagu shubo Bankiga dhexe.
Casaabada cusub ee talada Somalia la wareegtay waxay hantidii Qaranka oo dhan ku shubanayaan Bankiyo dibadda ku yaal halka ay qaarkood ku wareejiyeen ganacsato ku beela.