Madxweyne Faroole Oo Si Cad U Hor-istaagay Kursigi Xildhibaanka Meheri-Carab Saalax Ee Garowe
Saturday - November 2, 2013
Puntland-Garowe-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo uu wakhtigiisii la doortay dhammaad ku dhowyahay ayaa xoog iyo awood ku hortaagan xildhibaanka ay Beesha Meheri Ismaaciil Ee Carab Saalax ay ugu tallo gashay inuu Baarlamaanka uga soo galo magaalada Garowe.
Baarlamaanka Puntland oo ay tiradiisu tahay 66 xubnood waxa ay Beelaha Carab Saalaxa xiligi hore xulka xildhibaanada ee deegaanada Puntland ay ka heleen hal xildhibaan oo ka soo baxay Galkacyo iyo Garowe oo ay ka rajeynayeen hal Xildhibaan, hasa-ahaate Islaanka Ciise Maxamuud ayaa Garowe ka siiyey kursi beesha Leelkase, halkaasoo reer Meheri u qaateen in kursigoodi laga musuq-maasuqay oo si aan xaq ahayn loo siiyey beesha Leelkase
Hadda warku waxuu tilmaamaya in islaamka Ciise maxamuud uu markaan kursigi siiyey Carab Saalaxa, laakiin waxaa hor istaagay Madaxweyne Faroole oo aaminsan in xubintaasi aanay cod siin-doonin maalinta doorashada la gaaro.sidaa darteedna Faroole si toos ah u farageliyay goÂ’aanka Islaamka u ku soo xushay xildhibaankii Meheri ee u geli lahaa Baarlamaanka.
Qaadacadda uu Madaxweyne Farole qaadacay xildhibaanka Meheri Ismaaciil, ayaa ah qodob ay isku mari la'yihiin Islaamka Beesha iyo faroole oo ay saamayn ku yeelatay wakhtigii loogu tallo galay xulista Baarlamaanka Puntland oo ay ahayd in toddobaad ka hor liiskooda la soo gudbiyo.