Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Kenya Oo Maxkamad Soo Taagtay 4 Nin Somaali Ah Oo Lagu Eedeeyey Iney Ku Lug Lahaayeen Weerarkii W...

Monday - November 4, 2013

Nairobi- Booliiska Kenya ayaa markii ugu horreysay maxkamad soo taagay dad loo haysta inay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Westgate Mall, waxaana la soo taagay maxkamadaas ku taalla magaalada Narobi afar Qof oo eedaas loo haysto.
Sida warku xusaayo Dhallinyaradan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay – Maxammad Axmad Cabdi, Libaan Cabdullahi, Adan Ibraahim iyo Xuseen Xasan.
 
Boliiska dalka Kenya ayaa raggan ku tilmaamay inay yihiin ajnebi, Hasa ahaatee, waxay diideen inay sheegaan waddamada ay ka soo jeedaan, walow tuhunka u yahay iney yihiin asal ahaan kawa ka soo jeeda Somaali .. Ururka Al Shabaab ee ka faltama dhulka Somaaliya ayaa marar badan sheegtay inuu isagu ka dambeeyay weerarkii Westgate oo ugu yaraan 67 ruux ay ku dhimatay weerarkaas.