Dahabshiil Oo Ku Guuleysatay Dacwadi Bangiga Barclays Ee London
Tuesday - November 5, 2013
London- Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee London ayaa amar ku bixiyey in bangiga Barclays aanu xirin xisaabta u furan shirkadda Dahabshiil .. Xaakinka ayaa amray in xisaabta Dahabshil ay furnaato tan iyo inta laga soo gabagabaynayo dacwad la xiriirta arrintaas.
Dhagaysiga dacwaddan ayaa la filayaa inay billaabato sanadka soo socda .. Soomaalida qurbaha ku nool ayaa qoysaskooda Soomaaliya sanad walbo u dira boqolaal malyuun oo dollar. Shirkadda Dahabshil iyo shirkadaha kale ee maxkamadda tegay ayaa ku doodday in tallaabada Barclays ay halis gelinayso howlaha xawaaladaha Soomaalidu oo ay ku tiirsan yihiin malaayiin ruux oo ay saboolnimo ku hayso daafaha Somaaliya.
Bangigu waxaa uu ku doodayaa in uu doonayo inuu waafaqo xeerarka Britain ee la degaalanka lacag is daba marinta.
Waxa uu sheegay in lacagahaas loo adeegsan karo in lagu maalgeliyo argegixisada.