Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Abwaankii Aqoonta Iyo Garashada Prof. Hadraawi Oo Ka Waramay Xaaladiisa Caafimaad

Wednesday - November 6, 2013

Hargeysa - Abwaanka Weyn Caanka ah  Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa Maalmihii ugu danbeyey ku xanuunsanayey Magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer, kadib markii uu dhawan ka soo laabtay Socdaal uu ku tagay Dalka Ingiriiska.
Abwaanka oo Qaar ka mid ah Warbaahintu ku wareysteen Gurigiisa magalada Burco ayaa ka hadlay Xaaladiisa Caafimad isaga oo sheegay in cafimaadkisu aad u fiican yahay.

Waxaanu yiri; “ Waan Xanuunsanayaa, runtii xanuunkaasi oo ah mid aan la yaabay oo ah mid dhulku uu ila a wareegayo, wakhtigan waan ladanahay dawooyina waan qaatay, Computerna waa laysaaray waxana la ii sheegay in Xanuunkani aanu ahayn mid halis ku ah  cafimadkayga, Lakiin illahay ayaa caafimadka haya illahay uunba og sidda ay wax noqondoonan. ”Ayuu yiri.

Abwaanka ayaa la waydiiyey in Sababata Xanuunkani uu yahay mid ku qotoma safarada dhaadheer oo uu caalamka ugu baxo iyo waliba khudbadaha dhaadheer ee uu jeediyo waxaanu taa uga jawaabay oo yiri “Bini’aadamku waa iska diciif, dee qofka noloshiisa in uu isbanbaaniyo oo uu isilaaliyo, nasto, dee naftu waa ku amaano ee uu ilaaliyo, laakiin waa dhab in dee socdalada iyo hadalada badan ee aan jeediyo kulanada ay ka mid tahay arrintan oo dee aan anigu caado u leeyahay wixii layga bahdo haddii aan xanunsayo in aan fuliyo, oo dee waxaad moodaba in aan nafta kalifayo oo aan galiyey dardar badan.”Ayuu yiri