Dawlada Sacuudiga Oo Hubka Nukliyarka U Yaalo Dalka Baakistaan Soona Qaadan-Karto Xiliga Ay Doonto
Thursday - November 7, 2013
Jdda- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maalgeshatay hubka khatarta ah ee Pakistan, oo hub ka soo qaadan karto xilliga ay doonto.
Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay tartan kula jirto Iraan oo iyaduna lagu eedeynayso inay doonayso inay hubka Nukliyarka samaysato, sida ay sheegeen dhowr ilo wareedyo oo la hadlay barnaamijka BBC-da ee Newsnight.
Waxaa laga yaabaa in Sacuudiga ay hubka Nukliyarka ka hor heli karaan dowladda Iraan, oo haatan waddo barnaamij Nukliyar ah,in kasta oo ay ku xeeranyihiin cadaadisyo caalami ah oo ka dhan ah Nukliyarka Iran.
Muddo bil ka hor ayaa Amos Yadlin, oo horey madax uga ahaan jiray sirdoonka Isra'iil waxaa uu sheegay, in haddii Iran ay samaysato hubka Nukliyarka ay Sacuudiguna heli karaan Hub nukliyar ah,Waxaa uu sheegay in kharashka hubka Nukliyarka Pakistan ay Sacuudigu wax ka bixiyeen,balse la aaminsanyahay in ay jiraan dawladdo kale oo arrintan maalgaliyey,Pakistan ayaa ah dalka muslimka ah ee kaliya ee haysta hubkan.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Sacuudigu soo iibsaday gantaallo lagu qaado madaxa hubka Nukliyarka.Dhowr toddobaad ka hor ayaa wargeys ka hadlo arrimhaa difaaca waxaa uu qoray in Sacuudigu soo gabagabeeyeen goob laga hago gantaalladda oo ku wajahan Iraan iyo Isra'iil.
Sacuudiga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay lacago tiro badan ku bixiyeen barnaamijka Nukliyarka ee Pakistan kaas oo u jeedada ugu wayn ee ay u damacday samaysashada hubkan uu yahay mid ay uu doonayo sucuudigu in uu kaga hortago awooda tamarta nukliyarka ee Iran,hadii uu sucuudigu ka dhabeeyo waxa suurto gal ah in ay soo baxaan dawladdo kale oo ka mid ah gobolka oo iyaguna samaysta hubkan.