Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

A.Madoobe Oo Noqday Super Fly Hoog-Hogan iyo Mucaaradki Oo Canka Laalaadiyey Sidi Cawl Wadki Aragtay

Thursday - November 7, 2013

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo mudo murugo iyo culeys badani saarneyd naftiisa, isma u lahayn si sahal ah baad uga bixi-doontaa murugada iyo balaayada is-bahaysiga ee maamulkii Jubaland ku soo hamaansatay. hasa-ahaate beryahaan dambe ayuu si lama filaana ula baxay gar kiisi hore ka weyn ee sida libaaxa bulbusha, madawgiisi nuurka noqday socodkiisi ayaa xitaa isu badalay si xarageysan isagoo go' shaal ah garabka saartay iyo magaciisi u sii badalmaaya geesigi dhaartay iyo Axmad Nuur oo markaa dhawr ergadiisa daba socota ay ugu yeeraan, Taliye, hogaamiye, Madaxweyne, iyagoo ka daba qaadaya heesti ahayd "Hugunku waa hayaankiii bulshada cusub "iyo isagiina waa Axmede la luuday jah-jahasho gaaban iyo qosol isu raaciyey .. waxaa la tilmaamaya in isaga iyo ergadi la socotayba ay kaarka u rogeen siriqdi turub shaandheynta siyaasadeed ee maalmahaan ka socotay Mogdisho oo halkaas kala tageen guul xashaash iyo ugu dambeyn shukaamin soo dhaweyn awgeed taaj madaxa loo saaray, halka kuwi isbahaysiga Juba-diidka iyo inti wax loo kar-karinaayey sidey u lahaayeen tani meel tagi meyso ayey faliseen Yeekihi u dambeeyey ee gacantooda ku jiray oo dabadeed dani Run u sheegtay oo wixii ay sahansadeen dabeyshu qaaday oo ay noqdeen sidi Dhurwaagi laftu dhuuxay eersaday.
·
Jaceylka ay Reer Mogdisho maanta ay la hortagan-yihiin Mudane Axmad Madoobe durbaanka la garaacyo iyo Qaylada cummaamadaha madaxa lagu soo duubtay, beer-laxwsiga iyo hadalada macaan iyo isa soo baxyada ceel malab baan ku haynaa iyo is-wanaajinta lala tubanyahay, khudbadaha dhiigu da'ayo ee geed sare waabka ah, mar-marsiinyaha iyo is hafarka wax baan ku tareynaa, hadalada qiirada leh iyo heesa qunbuladaha ah .. Ogow oo la soco waa sabankii wacad la isa siiyo, run way sal guurtay .. Dadku in badan baa munaafaqiin ah oo daaha dibadiisa wax ka afuufa, Ogow masku mirashada ishuu meershuu kugu malkadaa .. Dad baa oogada ka xariira oo waabaayada ugu aasantahay miciyaha, in badan baa dusha ka hagaagsan oo laaciniin ah,kuwa kale baa iyana la moodaa biyo ma daad-shahayaal Qunbulad qarxa hoosta ku haysta, Qaar baa dhuxul dambas huwan oo boqnaha ku jaraya iyo koox ku hor yaaceysa sidii ay naf ku hayaan oo ku leh reer tolkaa baan ahay .. Lama inkiri-karo in Dad dun meel ugu xirantahay oo weli iyagoo dambiila ah haddana qabyaaladeysan oo meeli bugtaa, dulucduna waxay tahay weli wixii dhacay xasuuq zamaankii dagaalada sokeeye lagama hadlin lays-kamana xaal siin, wixii ka sokeeyaba waa dhallanteed iyo been sidaa daraadeed Taladu waa iska jir, Bidaari sibiq bay kugu gasha. iska jir in lagu dhigo khariidad shirqool oo xanuun-kar jabin ah, buste qoyan la isa saaro dabadeed inta la is duubo la noqdo dabar iyo daba galis aad u liita. 
·
Axmad Madoobe iyo Ergadiisa la socota maanta la filaaya iney gudaha u galaan carigi iyo caasimadi jubaland, waxaa si gaara reer jubaland hogaamiyaa-shooda ugu cadaadinayaan iney si miisaaman iyo calan Cas loogu taagin beelaha qaarkood iyo si dhaqso ah u soo magacaabaan xulasho rag ammaana ah wax maamuusi yaqaan hawraarsan leh, oo Haloowga iyo hirarka dhaadheer laga maqlo .. mana la aqbali-doono waa sida ay yiraahdeene Qiil lagu baneysto dibu dhac dambe ee kolba waxii la rabi lagu marmarsiiyoodo .. Nin baa waxaa laga haya "wadaadow ilaa safka dambe xiniin-yaha baa la is hayaaye, xiixdda jooji"  haddi aad keentaan kuwa dhoohan laf dhuun gashay nagu noqda iyo haddi aad keentaan kuwa lagu nasto, Axmad madobow iyo fartaagow waa laydin Mina fadhiya ayey yiraahdeen shacbka reer Jubaland