Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Ciidamada Dabeecad Xun Ee Itoobiyaan Oo Dhawaan lagu daadin-doon Keymaha Jubaland

Sunday - November 10, 2013

Addis ababa- Dowlada Itoobiya ayaa ka dhawaajisay inay ciidankeeda ka mid noqon doonan dhowaan ciidamadda Somalia uga howlgala magaca AMISOM oo ka shaqeeya nabad ilaalinta.

Ra’iisal wasaraha Dalkaasi Hailemariam Desalegn ayaa sheegay sababta ay ciidanka Itoobiya uga mid noqon doonan howlgalka AMISOM inuu yahay sidii la isaga kaashan lahaa la-dagalanka kooxaha cadowga ah ee qorshaynayay qaraxyo ka dhaca Itoobiya,waxana warkaan lagu daabacay wargaysa la yiraahdo Daily Nation.

Ra’iisulwasaraha Itoobiya ayaa kulan Addis ababa kula qaatay madaxwayne ku xigeenka Kenya William Ruto,kaasoo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa weerarada argagaxisda,wuxuna Ruto soo dhaweeyay ka mid noqoshada ciidanka Itoobiya howlgalka AMISOM.

Itoobiya iyo Kenya ayaa waxa ay labaduba ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Puntlandpost.com