Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Markaana Ku Dhaqaajiyey Inu Is Casilo PM Saacid

Monday - November 11, 2013

Muqdisho-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka dalbaday raysal wasaarihii Cabdi Faarax Shirdoon (Sacid),ayadoo uu saacidna ku gacan sayray soo jeedinta Xasan Sheekh ee ah in uu jagada ka dego.
 
Wararka ayaa waxay sheegayaan in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyadoo raysal-wasaaruhuna uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah.
 
Lama oga goÂ’aanka uu raysal wasaaruhu qaadan doono, iyadoo Idaacadda VOA-da ay sheegtay in ilo wareedyo la xariira ay u xaqiijiyeen in arrintan ay ka dhalatay kaddib markii madaxweynaha iyo raysal waasaruhu ay isku khilaafeen tirada laga dhigayo golaha wasiirrada xukuumadda oo la doonayo in la isku shaandheeyo.
 
Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in raysal wasaaruhu uu kalsoonidii ka waayay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, iyadoo khilaafkan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee soo dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo muddo hal sano ah wada-shaqeynayay.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska raysal wasaaraha ayaa labadooduba ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, waxaana socda kulammo gaar-gaar ah oo arrintan la xariira sida ay sheegayaan wararka laga helayo magalada Muqdisho.
 
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballarin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doono 23-wasiir iyo in la mid ah, inkastoo uu san si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada golaha wasiirrada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xilka u magacaabay raysal wasaare Saacid bishii November ee sannadkii hore 2012-ka ayaa sheegay in sababta uu u doortay ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada shaqeyn karaan.