Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Seeftii Xasan Gurguurte Galkay Diidan-tahay .. PM Saacid Faataxo Ha Loo Maro

Monday - November 11, 2013

Mogadisho: Madaxweyne Garguurte ayaa habeen hore saq dhexe xafiiskiisa ugu yeertay Ra’isulwasare Saacid wuxuuna ku yiri: liiska aad keentay kuna xuurtootay dib ula noqo amase ku soo dar raga gacalka garb-keygana ah ee aad ka tagtay, isagoo intaa u si raacshay in shiikh iyo shariif ay Cadaadis xoogan ku saareen sidi Ragaas loo magacaabi lahaa, oo hadii kale ayuu yiri; daruuraha ka cawe oo xilka iska casil
 
PM Saacid wuxuu Madaxweynaha ugu jawaabay oo yiri: Mr.is-cajabiye, waan u jeeda maalmahaan inaad fuushantahay faraskii ku waalayey, Aniga Damu Jadiidka xidigaha sabeynaaya maqasha dayacay, anigu ma u dirsanaayo Geel, laygumana sanduleyn-karo inaan ku soo daro liiska Golaha Wasiirada gaar ahaan wasiirka madaxtooyada Faarax C/qaadir, Cabdi Kariim oo daakhilga ku shuqu leh iyo siiba Fawsiya arimaha dibada, ma soo celinaayo, maxaa yeelay ayuu yiri Masuuliyada iyo samata bixinta dalka anigeey i taala,waxaan hogaamiyaa Hay’ada sharci fulinta Qaranka .. Qir iyo Qir iyo xag-xagasho ayaana ugu dambeyn habenkaas lagu kala seexday
 
Isla markiiba, waagu markuu baryey waxaa u tagay madaxweyne Xasan Gurguurte Xulufadi qashaabirtisi cusleyd Dam-Jadiid oo halkaas iyo Villa wardhigley isku biirsaday ku qaateen shir soconaayey illa habenkii dambe, ugu dambeyna waxaa Xasan Shiikh kooxdiisi ku qanciyeen inu go'aankiisa u ka qaatay Saacid sax ku ahaa meeshana u ka baxo iyadoo la isticmaalo dariiq kasta u ku bixi-karo xitaa habaar ha noqote, waxayna isla markiiba xiriir ay la sameeyeen war baahinta gudaha qaarkood iyo dibada ku sheegeen in PM Saacid istaqaalada keeni-doono, laakiin taasi wuxuu Saacid caawa uga jawaabay: Carabkii qoyani waa hadlaa waa been iyo wax aan jirin warkaas.
 
Sida la xusay Qeybo ka mida beesha hawiye oo qaylo iyo sidi wiiwiida u soo yeeray ayaa xarunta PM Saacid soo buuxiyey,waxayna wada xaajoodkoodi u sheegeen inay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, laakiin lama garanaayo run iyo maawelo waxa shafkooda jiifa.
 
Dhinaca kale illa lix-dameeyo xildhibaan baarlamaan ayaa u tagay caawa PM Saacid iyadoo la sadaalinaayo in kooxda Damu Jadiidna ay wajahayaan xaalad adag oo waxaa laga yaaba in muranka u si gurguurato xaalad dalka galisa khalkhal
.
Saadaasha iyo Hadalka Aragtida Furan ee Dadweynaha: 
Raiisal wasaare Saacid Caqli iyo horseed Cilmiga guntiisa markii axwaashiisa la odorosay totally min Awal illa Aakhir gudcur ayuu gudaayey, mana garan xeesha loo dhigay, waana la ogaa guul-wadeyntiisi, raali-galnti iyo aqoontiisa Xasan aad u yareyd in maalin maalmaha ka mida isla bixigooda u beenoobaayo .. Maaweliskii been beenta muddo lagu hayey Saacid oo sidi Luqmatul- Xajarkii uu hadba u liqaayey ay markaan dhuunta istaagtay, kadibna ku dhacay bohol .. Saacid waxaa loola dhaqmay sidi Bisad soo luntay aad u liidata mayd ah oo markaa god yar madow majarafada ciid mirirtay culus lagu midaamiyey ..Ugu horaan waxuu ogolaaday kana aamusay musuq-maasuqa iyo boobka muuqda ee dhacay .. Tan labaad waxuu difaacay malaayiin lacag oo la damcay in lagu meeleysto bangiyada aduunka oo war baahinta ka difaacay oo yiri Yusur Abraar waxa ay sheegeyso waxba kama jiraan .. Tan Sadexaad waxuu Khalad ku taageeray is-bahaysigi Jubalan-diidka, isla markaa is-diidsiiyey dhawr jeer maamulkii shacabka Jubaland ay dhisanayeen, misana doonay aragooda oo hadba cayn u hadlay, taaso ujeedada tabta ahayd in firka reerkiisa laga hor-keeno lagu dilo, garan waayey in sheekada diidmada dhismaha Jubaland mustaqbalkiisa lagu wanjali-doono sida maanta dhacday oo labada dhagood tolweynihiisi ka fureysteen maqalkii baacsigisa istaqaalada, oo la yiri heelada ino tuma, shidanaa-baa shidan .. Tan Afaraad, wuxuu ogolaaday golihiisa wasiirada oo awlba Dam-Jadiid soo dhoo-dhoobeen iney noqdaan Kitchen cabinet-ka Xasan shiikh oo ku nool luflufka iyo hambadiisa kana amar qaata kaligiis .. Tan Shanaad Hawshiisi oo noqotay meesha taagnow sidi koran xiniyaha laga muday oo la yiri xitaa waxna ma leefi-kartid .. Saacid xiligaan ayuu saaxi keenay oo too late ku baraarugay in isaga maanta cidina rabin oo seeftu mar hore dhulka ka gashay, wuxuu ku dambeynaya murugana ku reebeysa, haddi aan sidaa iyo sidaa yeeli-lahaa, taasna waa shimbirahow ila ooya
 
Runta dabool dambe ma saarna, madaxwyne Xasan Shiikh iyo xulafadiisa Dam-Jadiid sida muuqata iyagana geedkoodi caleenta ayaa cadaatay oo abdo iyo Raandis midna ma laha, waa saabuun xoor laga waayey, waxay ay horay u cuneen oo taabsadeen ha ku filaato, kadibna xabaalihi ay qodi jireen ha isaga laabtaan. sida cadaanka ah ma jiro jaanis u haray ee mar kale ku khaldaan shicibkii ay jaaniska ka lumiyeen, banaaka ku wareen.