Xigasho Shacabkamedia.com- Reysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Saacid oo la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanadda Beesha Daarood ayaa ugu sir-waramay in sababta ka dambeysa in Madaxweynaha uu ugu hanjabo inuu is-casilo ay tahay,kadib markii uu diiday Golaha Wasiiradda cusub inuu ku soo daro 2-Wasiir oo Saacid go'aansaday inuusan Golaha Wasiiradda cusub ku soo daro.
Labada-daas Wasiir ayaa kala ah R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka arimaha Dibadda Fawziyo iyo Wasiirka Mataxtooyadda Faarax Sheekh C/qaadir (Sakiinta-Cusub)
Wasiiradda arimaha dibadda Fawziyo ayuu sheegay inay ka diiday inay joojiso dagaalka qaawan ee ay ku heyso Diplomaasiyiiinta Beesha Daarood,khaasatan waxay bartil-maameed ka dhigatay oo ay shaqadda ka ceyrisay 5-Diplomaasi oo Puntlnd ka tirsan,kii ugu dambeeya ahaa C/laahi Xuseen oo ka shaqeynayay Dalka Qatar.
" Aniga muddo ayaan u dul-qaadanayay gabadhan Fawziyo,laakiin alamtara waa soo dhaaftay oo hadda aniga iyo Beesha aan ka dhashay ayay madax isku kaaya gelisay,fuleyna xantiisa ma mooga ayaa la yiri, ilaa 2-magac la ii bixiyo oo aad maqasheen,marka aniga sanad ka badan ma dul-qaadan-karo,waana midda igu khasabtay inaan isticmaalo awooda Dastuurka ii siinayo inaan dhiso Gole Wasiiro oo aniga i maqla,halka kuwa hadda jiro ay u badan-yihiin kuwo Madaxweynaha amar ka qaata,qaarkoodna aan shirka marka aan qabanayo soo xaadirin"ayuu yiri Saacid oo hadaladan sirta ah ugu sir-waramay Xildhibanadii Beesha Daarood ee uu la kulmay oo qaarkood ku canaan-tay inuun yahay wax-matare markii xaalka ku xumaaday,ogaaday inuusan ka maarmin Xilkdhibaanadda Beesha Daarood.
" Waxaan idiin-sheegayaa hadal sir ah, Nin Dilaa ah oo Alshabaab ka tirsanaa ayaa Diplomaasi lagu abaal-mariyay,ninkaasna Safaaradeena Soomaalidda ee Turkiga ayuu ka hawl-galaa,markii aan dhahay Fawziyo ceeb bay arintan nagu tahay,waxay iigu jawaabtay Wiilka aad sheegaysay ee Jaamac,waxaa adeer u ah Wasiirka Gaashaandhiga ee Fiqi,isagaana iga codsaday inaan bedelin,marka ogaada Dawladda aan Reysalwasaaraha ka ahay,xaalkeeda halis buu marayaa,marba hadii dilaa aan Diplomaasi u dalacsiinay"ayuu ku sir-waramay Saacid oo jeclaan-lahaa arinta Safaaradda Soomaalidda ee Turkiga ka taagan inay xaliso Habarta Fawziya.
Wasiirka Madaxtiooyadda Faarax (Sakiinta-cusub)ayuu ku sheegay inuu yahay Madaxweynaha qarsoon,isagoo ku tilmaamay inuu ninkaas xitaa dhawr-jeer arkay,isagoo Madaxweyne Xasan canaananayo,waxaana ogtihiin ninkaas inuu Dalka Qatar ka keenay lacagtii Malaayiinta aheyd ee qaabka laaluushka loogu dirtay ninka aan is heyno"Ayuu yiri Saacid oo sirtan Xildhibaano ugu sir-waramay.
" Ninkaan Faarax ah,heer wuxuu gaaray 7-bil ka hor inaan dartiis shaqadda uga ceyriyo Agaasimahayga Madaxtooyadda oo ay dhawr jeer is-af-dhaafeen,xitaa inta badan isagoo Villa-Soomaaliya aan wada joogno,marka aan Golahayga Wasiiiradda shirka wada yeelaneyno,isaga qolka ayuu kula jiraa Madaxweynaha mana soo xaadiro kulankeena Golaha Wasiiradda,marka maadaama aan sanad u dulqaadanayay waxaan go'aansaday inaan bedelo,waxaana hadda ogaaday in arintaas xaq u leeeyahay.
Saacid ayaa ku adkeystay in labadaas Wasiir inta Golihiisa Wasiiradda lagu soo dari-lahaa inuu ka fikiri-doono inuu is-casilo,maadama uu sheegay in 2-dan Wasiir ay si toos ah ugu xirin-yihiin Madaxweyne Xasan,mar-walbana ka cudur-daartaan shirarka uu Golihiisa Wasiiradda la yeelanayo,wuxuuna arin ka yaabisay ku tilmaamay inay 24-ka saacadood marka ay Muqdisho joogaan labadaas Wasiir ay ku lamaanin-yihiin Madaxweynaha.