Xildhibaano Shan Ah Oo U Kala Dab Qaadaya Xasan Gurguurte Iyo PM Saacid
Wednesday - November 13, 2013
Mogdisho- Waxaa la xaqiijinaya in madaxweyne Xasan Gurguurte u maanta xafiskiisa ugu yeertay shan xildhibaan oo isku barxan ka kala soo jeeda shanta beel ee baarlamaanka ku jira , dabadeedna u madasha halkaas ka hadlay sawir guud ka baxshay xaalada uureysatay iyo dareenka isaga iyo Raiisal Wasaare Saacid dhex taal, waxuuna si gaara ugu tiiqtiqsaday oo yiri: wixi aan shib ka ahaa ayaan maanta idiin sharxaya, wax waliba maalin bey leeyihiin iyo saacad uu eebe qoray oo aan horna u soo dhaceyn dibna u daaheyn ee ku socda siddi uu ilaahay ugu tala galay .. Saacid markaan magacaabayey dhafoorkiisa dhidid baa ka muuqday, kamana hoyan illaa aan xilka u magacaabay, weliba isaga darti rag tartanka kula jiray oo isaga ka fiican ayaan dib u joogsada iri , kaga si darane waxaa waqtigaas laygu yiri: Saacid iska daa ha magacaabin, maxaa yeelay hawsha Qaranka maanta hortaal ma laha karti u ku maareyn-karo, laakiin soo jeedintaas dhagaha ayaan ka niibtay oo isagi baan Qalinka ku adkeeyey. cala ay xaal waxaa ii muuqatay dhado ineysan roob noqon-karin ayuu ku daray hadalkiisi
Aniga xageyga ayuu yiri: Saacid joog hoose iyo mid saraba la hadal ma yareysan, sidaa darteed Saacid maa daama hawshi loo igmaday u dhex fariistay,.hadde xil waxaa loo dhiibaa Nin Gudan-kara , waa wax aan la aqbali-karin in sidaas aan ku wada shaqeyn-karno .. markii dambena madaxweyne Xasan wuxuu shanti dibutaati ka codsaday in ay Saacid waaniyaan oo talo iyo tusaale siyaan si madax taaga iyo lagdinka khiyaaliga isku maawelinaayo miciinka mooday uga baxo, istaqaaladna keeno. wuxuuna Xasan shirkaas carabka ku dhuftay in xaalada la daba qabankaro oo wax kasta afgarasho iyo buuq la'aan lagu dhameyn-karo, wixii sagootis iyo xaal marina u diyaar u yahay.
Waxaa la sheegay Xildhibaanadi iney fariinti soo gaarsiyeen Raiisal Wasaare Saacid, oo wixi wada hadal ahaa ee ku socota iyo ka socota ay aakhiradi iyo hadal dhamaanti kula taliyeen Saacid: Caga aad ku carartid kaama muuqdaan, waa in xabada aysan meel cidla ah kaga dhamaan oo xilka iska dhiib ma daama dariiqa baarlamaanka Qodax badani hoos taalo iyo gaar ahaan, guud ahaan taageero la'aanta meel kasta ay joogaan tol weynaha Daarood, hasa ahaate PM Saacid wuxuu gilgashaba iyo sidu u xiiqsanaa, ma siin ergadi hadal cad oo ay kula noqdaan Xasan Gurguurte, oo intaa is difaac iyo keeb la yuurar ayuu ku jiray, balse go'aankii xildhibaanada ayaa noqday iney raiisal wasaare Saacid illa beri dib ugu soo noqdaan si ay uga helaan war dhinac u dhaca, waxaana muuqata iyo sida la saadaalinaayo in arinta ay ka baaqsan-doonto mooshin baarlamaan, balse lagu dhameyn-doono sidi la arki jiray farsamo heshiis alla somalo ah.