Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Bilaabay Inu Xubnaha Baarlamaanka Ula Kulmo Reer Reer
Friday - November 15, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku adkeysanaya in Raiisul Wasaaraha is casilo, kadib markii uu diiday talooyin iyo xal ay u geeyeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin horay xilal u soo qabtay oo uu 24-kii saac ee la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay.
Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay Gudi 7-xubnood ka koobnaa oo ahaa Wasiiradii Xukuumadii Raiisul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo doonayay inay xal ka gaaraan khilaafka sii xoogeystay ee Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.
Qaar ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu ka diiday dalabka ah in khilaafkan lagu dhameeyo sulux, hase ahaatee uu Madaxweynaha ku adkeystay inuu xafiiska ka tago Raiisul Wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Xildhibaanada Baarlamaanka oo beel walba uu si gaar ah u qaabilayay, isagoo kala hadlayay sidii Raiisul Wasaaraha uu istiqaalada u keeni lahaa.
Waxaa jiray Xildhibaano u tagay Raiisul Wasaaraha oo ka dalbaday inuu is casilo, hase ahaatee uu ka diiday, waxaana xildhibaanadan u badnaayeen kuwo xal ka raadinayay is casilaada Raiisul Wasaaraha si aanay arrinta u sii cusleyn.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Raiisul wasaaraha ay saaran yihiin cadaadis xoogan oo la sheegay in xubno beesha caalamka ku saarayaan inuu is casilo, maadaama isaga iyo Madaxweynaha aanay wada shaqeyn karin.
Ilo wareedyo muhiima ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka soo horjeedo in arrinta Baarlamaanka lagu kala baxo, si aanay xiisada ugu sii xoogeysan baarlamaanka gudihiisa, oo uusan dhicin loolan iyo kala jiidasho xaga xildhibaanada ah.
Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa halkeeda ka sii socon doona kulamada gaar gaarka ah ee Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raiisul Wasaaraha ka dhacaya, iyadoo marka la eego Xafiisyada labada dhinac ay aad mashquul u yihiin, kulamadana aanay kala joogsi aheyn.